Somaliland: Maayer Iyo Xildhibaan Ka Tirsan Golihiisa Deegaanka Oo Xaflad Isku Faro Saaray Muran Ka Dhashay Gunno Dartii

0
1002

Hargeysa(Geeska)-Maayarka Magaalada Gebiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi iyo xildhibaan Maxamed Amiin Cali oo Golaha Deegaanka ee degmadaas ka mid ah ayaa isku faro saaray goob munaasabad ah oo ay isugu yimaadeen.

Maayarka iyo xildhibaankan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Gabiiley ayaa isku maan dhaafay gunno xildhibaanku uu lahaa oo maayarku uu ka jaray, inkasta oo aanu maayarku warbaahinta kala hadlin arintan haddana waxaa warbaahinta la hadlay xildhibaan Maxamed Amiin Cali oo ah xildhibaanka ay maayarka dagaalameen, waxaanu isaga oo arintan kala hadlaayay Eryal Tv uu yidhi,  "In Maanta ka Gole ahaan masuuliyadii aanu u haynay umadda ay meesha ka baxday, iyada oo aanay jirin wax kal fadhi ah oo aanu qabanay iyada oo aanay jirin wax adeeg ah oo Dawladda Hoose ay u hayso Bulshada iyada oo ay jirto inuu Bulshadii kala qaybinaayo, iyada oo ay jirto in sariibad sadex sano dhisnayd inuu furi waayay oo aanay jirin sabab loo furi waayaana, waxay maraysaa in xildhibaanada laftoodii uu kala saaray oo aniga oo Maxamed Aamin Cali Ah uu Maanta gunnadii aan lahaa uu yidhi anigaa kaa goynaya, taas ayaan isku dilnay."