Hargeysa(Geeska)-Xamse Ciise Cabdi oo ahaa xoghayihii ugu horeyey oo madaxweyne Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabo gobolka Maroodi jeex ayaa si rasmi ah iskaga casilay xisbiga kulmiye oo uu ka tirsanaa 7 sano oo mucaarid ah iyo iyo lixsano iyo badh uu ahaa Xoghayaha guud Gobolka M, jeex.
Xamse wuxuu sheegay inuu iska casilay KULMIYE, kuna biiray Xisbiga Wadani,Xogahaye xamse Ciise cabdi oo ka hadlaaya is casilaadiisa waxa uu yidhi, waxi aan isku casilay hadii aan ka waramo waxa ka mida xisbigii uu Madaxweyne siiraanyo uu markii hore gadhwadeenka ka ahaa waxa qaaday wado qaldan oo waxa uu noqday xisbi u dhisan sidii hagbad oo kale oo ay reero leeyihiin waana arin ceeb ku ah Dimuquradiyada iyo dhaqanka Somaliland oo waad arkayseen shirkii habeenkii dhawayd burco ka dhacay hab beeleed aya layskugu wareejinaayey, waxaanad mooda in tubtii xisbiga ee madaxweyne siilaanyo laga leexiyey, oo uu qaaday wadadii guul Darada taas waxa kuu cadaynaaya nidaamka Qabyaaladaysan ee xisbga kulmiye wax ku doonayo, taasina maaha mid u cuntamaysa Shacbi weynaha Somaliland waana mid dhabar jab ku ah Dimuquraadiyad Somaliland ee Curdinka, waxanan leeyahay Xisbiga Kulmiye guul laguma gaadhaayo nidaamka ku kooban labada beelood oo kaliya waxaanad Qaadeen wadadii guul darada.”