Siyaasi Obsiiye Oo Guurtida Ugu Baaqay In Aanay Waxba Ku Darin Wakhtiga Lagu Heshiiyay

0
628

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye, ayaa Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadlay Doorashada Somaliland, waxaanu Golaha Guurtida ugu baaqay in aanay wakhti ku darin wakhtigii ay ku heshiiyeen Saddexda Xisbi iyo Xukuumaddo, oo aanay muddo kordhin dambe sameeynin.

1

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye ayaa sido kale ka hadlay sicir bararka, Doorashada Somaliya, baaqa Beesha Caalamka iyo saldhiga milatari ee Berbera,waxaanu yidhi “Waxaan halkan baaq nabadeed u dirayaa Beelaha walaalaha ah ee Bariga colaadu ku dhexmartay, taas oo runtii soo noq-noqotay, Xukuumaddana waxaan leeyahay adiga u dhexe cidii jabisa balanta la galo waa inaad gacan bira ku qabataa, waxaana leeyahay Nabadu waa shayga kaliya ama bayac-mushtarka kaliya ee umadda aynu ka iibinayno dhinaca ha looga soo wada jeedo oo ha la ilaalishado”.

Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Doorashadii Somaliland ee muddo kordhinta ka dhacday halkan waan soo dhaweeynayaa runtii, waxaana leeyahay waa wakhtigii ay ku haboonayd, markii horena waa wakhtigii aan soo jeediyey qiyaasteedii weeyaan, waxaan leeyahay oo aan iyadana ku talinayaa ee Guurtidii in aanay sii buun-buunin, oo aanay waxba ku kordhin ee halkaas ay dhigeen Saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu in aan la dhaafinin, ayaan Guurtida u dardaarmayaa”.

Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka wuxuu yidhi “Beesha Caalamka waxaan leeyahay waxba nooma haysaane, intaas oo Doorasho ayaanu soo qabanay haddii aad wax na taraysaan, waxaanu idinka baahan nahay waa Ictiraaf, ee wixi kale iyo hadal kale uma baahnin, hanjabaadiina iyo digniintiinana naga daayo ayaan leeyahay”.

Siyaasi Cabdiqaadir Jirde mar uu ka hadlaayey Doorashada Somaliya ayaa yidhi “Somaliladu waxay ku maahmadaa reer degay tusmaa loo ritaa, ee Somaliya waxaan leeyahay waxaanu nahay dad walaalo ah oo jaara, ee cidiina loo igmaday inay Madaxweyne doorataan masiirkiinu gacantiina ayuu ku jirtaa, sharaftii iyo karamadii umaddiinu gacantiina ayey kuj jirtaa, ee waxaan idinkula talinayaa inaad jabisaan dayrkan umadda ku oodan ee ah qabyaalada, nin jeclaysiga, hunguriga, dumiya ayaan idin leeyahay dayarkaas, oo doorta qof cadaalad leh oo karti wax qabad leh, oo aad u eegtaan dadnimadiisa, diintiisa , akhlaaqdiisa iyo kartidiisa, oo wax kale ha u eegina, waxaan leeyahay iftiin qudha ayaa soo baxaya, ee iftiinkaas iyo fursadaas ha bakhtiinina”

Mar uu ka hadlaayey Saldhiga Milatari ayaa yidhi “Waxaan leeyahay yaan lagu deg degin saldhiga milatari, wakhtigeedii ma joogno, salad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa baa la yidhi, maanta waxaynu u baahan nahay inaynu dhaqaalaheenii soo kabno, horumar gaadhno, isku filaanshayo sameeysano, dawlad yar oo iyaba la ilaaliya waxba inoo tari mayso, waxa la yidhi ama buur ahaw ama buur ku tiirsanoow, haddii aynu cid saldhig siinayno dawladahaas quwadaha waaweyn ee ictiraafka marsiin kara aduunka, ee fiitooda leh aynu siino ayaan leeyahay, laakiin haddii aynu bixino saldhigaas milatari colaad bay inoo soo kordhinaysaa, mandaqada aynu ku nool nahayna nabadgalyo ayeynu ku haysanaa ee nabadgalyadaas ha la ilaashado”.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay sicir bararka wuxuuna ku taliyey in shilinka Somaliland oo uu sheegay in dadku aad u isticmaalin inay isticmaalan, waxaanu Xukuumadda kula taliyey in cashuuraha ku qaado lacagta Somaliland.