“Sicir Barar Iyo Wasiir Barar Ayaa Isku Keen Galay, Ninkii Aniga Iga Tirsaday Maaliyadu Saddex Jeer Ayuu Lacag Soo Daabacday”Eng. Maxamed Xaashi Cilmi

0
523

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii maaliyadda ee u horeeyay ee madaxweyne Siilaanyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa tilmaamay inay Somaliland isu raaceen sicir barar iyo wasiir barar, waxaanu ku taliyay in la sameeyo xukuumad kooban.

1

Eng. Xaashi, oo uu waraysi la yeeshay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star tv, wuxuu ugu horayn isagoo ka hadlaya golaha guurtida uu yidhi “Dadkan xilka loo dhiibay ee kitaabka gacanta saaray ee mar walba  jebinaya sharcigii lagu heshiiyay waa mid subxaana leh. Saleban iyo Xaaji Cabdi iyo kooxdaasina shaqo kale may qaban intii hawshaasi jirtay ee dalka lagu soo noqday waa muddo kordhin wax ay goor walba ka shaqeeyaan. Muddo kordhintu waxay ku timaadaa kolka duruufo yimaadaan, tan maantu way taagantahay laakiin intii hore oo dhan duruufihii lagu samayn lahaa muddo kordhin may jirin, tan maanta qudheeda haddii la kordhiyo mudadii maxay soo kordhinaysaa, guurtidu iyadaa ku baaba’day muddo kordhintan ay sameeyaan. 82-kii ay ahaayeen 11 ayaa ka jooga 5 ayaa caafimaad qabta intii kale meesha way ka baxeen, kitaabkan ay gacanta saareen ee ay goor walba beenta ka sheegayaana waana mid subxaana leh, ammaano loo dhiibtay weeye xilku siday tahayna in ammaanada loo isticmaalo weeye, kolkaas waxa ay ku war-wareegaan maaha wax meesha yaala.”

Isagoo golahan iyo Madaxweyne Siilaanyo la sii hadlaya wuxuu Maxamed Xaashi yidhi “Waxaan odhan lahaa ha kordhinee, dawlad kooban hala dhiso oo kharashkan ku baxa wax laga reebo, imika 137 milyan waa lacag badan, lacagtaasi waxbay u tari lahayd, dee imika maxay wax ku qabanayaan. Kolkaas Siilaanyo inuu ka maqlana may ahayn inuu wakhtigiisa iska wato ayay ahayd oo uu yidhaahdo haddaad doorashada galaysaana gala haddii kalena wixii kale ee lagu tashanaya lagu tashado.”

Mar la weydiiyay sicir bararka dalka ka jira eedayna u jeedinaya wasiirkii xilka kala wareegay wuxuu Maxamed Xaashi yidhi  “Sicir barar qudhi ma jiree, wasiir Bararna wuu jiraa, sicir barar iyo wasiir barar ayaa isku keen galay, sicir bararku waxa weeyeen, ninkii aniga iga tirsaday maaliyadu saddex jeer ayuu lacag soo daabacday, saddexdaas jeer lacag loo baahanyahay may ahayn, tii oo dayn ay ka buuxaan ayaan xilka qabtay oo lagu leeyahay musharadiina waayeen laakiin isaga lacag ayaan uga tagay, inuu lacag soo dabaacdo may ahayn, lacagtii suuqa ayuu geliyay, dakhligii aan anigu soo saaray wuu ka badanyahay kii ina Xaashi ayay sababatu ahayd. Anigu shaqaalaha imtixaan ayaan ku qori jiray, intii aan imxitaan soo marin kuwaana waan ku celiyay, shaqaaluhu intay tartamayaan ayay ku fiicantahay.”

Kolkii uu ka tagay wasiirkaas aniga iga tirsaday wuxuu sii qoray dhawr boqol oo shaqaale ah oo aan miisaaniyadaba ugu jirin waa masuuliyad darro sida runta ah.”