Hargeys (Geeska)-Shirweyne dib loogu eegaayey manhajka Qaranka oo mudo laba maalmood ah ka socday magaalada Hargeysa oo ay ka soo qayb galeen bahada waxbarashada ayaa la soo gabagabeeyey.
Aqoonyahanka ka qayb galay shirweynaha loogu magac daray shirweynaha talo-wadaagga ee manhajka waxbarasho ee heer qaran ayaa ka dhiibtay fikirkooda la xidhiidha qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo, isla markaana loo heli karo manhaj laga dheehan karo mustaqbalka ardayda.
Agaasimaha wasaaradda waxbarashada iyo caliinta sare ee Somaliland oo shirkaas ka hadlay xidhitaankiisa ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo ka soo qayb galka iyo fikir ka dhiibashada daneeyayaasha waxbarashada, isagoo dhamaan uga mahad celiyey mudadii shirku socday qaabka afkaarta laysku dhaafsaday.
Agaasimaha ayaa sheegay in dhawaan la hir gelin doono qodabada ka soo baxay shirkan oo dib loo shaacin doono, taas oo uu sheegay inay faa’ido weyni ugu jirto umada reer Somaliland, waxaanu yidhi “Wasaarad ahaan aad iyo aad ayey noo farxad galinaysaa markaanu aragno umadii oo sidan u diyaara oo doonaysay inay hawsha halkii kaga haboonayd ka qaataan, waana mahad. Anagu waxaanu ku dadaalaynaa had iyo jeer in aanu umada talada la wadaagno kana soo qayb galino intii karaankayga ah. Talo uruurin ayaanu wadnay, taladiina waanu uruurinay labadii cisho, markaa waa in dib loo eego oo laga tasho”.
Gudoomiyaha Hay’adda African Education Trust (AET) Xasan Axmed Ibraahim shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dib loo samayn doono guddi halkaa ka sii wada wixii ka soo baxay shirweynaha talo-wadaaga manhajka waxbarasho ee heer qaran, waxaanu yidhi “Guddi kale ayaa la samayn doonaa oo halkaa wixii aad soo gaadhsiiseen ka sii qaada, hawsu waa qori isku dhiib, ilaahayna haynagu asturo waxaynu halkan u fadhino oo wax khayr leh haka soo saaro”
Sidoo kale Xasan Axmed Ibraahim ayaa aad ugu dheeraaday in dib u eegis lagu sameeyo goobaha lagu barto quraanka, isagoo xusay in aan waxba laga badalin labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxaanu soo jeediyey in lala jaan qaadsiiyo qaabka cusub ee caalamka hada maraayo.
Xasan Axmed Ibraahim ayaa carabka ku dhuftay in lagama maarmaan ay tahay dib u soo noolaynta dhaqankii hore, isaga oo is barbar dhig ku sameeyey dhaqanka hada iyo kii hore.
Ugu dambayntii Xasan Axmed ayaa aad ugu mahadnaqay ka soo qayb galayaasha shirweynaha dib u eegista manhajka waxbarasho ee Somaliland, waxaanu sheegay in wasaaradda waxbarashadu inta taageed ay dadaalayso. Wuxuu soo dhaweeyey waxbarashada gaarka loo leeyahay iyo mida dawliga ah, isgoo ku tilmaamay inay tahay mid wax tar leh.
Shirkan lagu soo af-meeray magaalada Hargeysa waxaa soo qaban qaabisay wasaradda waxbarashada Somaliland, waxaanay garab ka helaysay Hay’adda African Education Trust (AET).