Shirkii Somaliya Ee Denmark Oo Shalay Furmay Iyo Wadamo Miisaan Leh Oo Ka Muquurtay

0
560

Waxaa shalay ka furmay Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark Shirkii hiigsiga cusub ee somaliya kaasi oo ay ka qeyb galayaan Wafuud heer caalami ah.

Dowladda Somalia ayaa waxaa shirkan uga qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 Wafdiga dowladda Somaliya ka jooga shirka waxey isugu jiraan wasiiro, xildhibano iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana shirka lagu lafa gurayaa arimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta, iyo nabadgelyada Somalia. Waxayabaha sida gaarka ah shirka xoogga loogu saari doono labada maalmood ee uu socdo waxaa ka mid ah, qorshaha higsiga sanadka 2016ka, oo ay ku jiraan dhismaha maamul goboleedyada, xasilinta dalka, hirgelinta nidaamka federalka, dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka iyo ilaa iyo hadda wixii ka qabsoomay yoolashaasi la hiigsanayo. Shirka waxaa kaloo la iskula soo qaadi doonaa  la xisaabtan xagga maaliyadda gaar ahaan deeqaha iyo lacagaha ay beesha caalamka ugu deeqday Soomaaliya, shirkii kan ka horeeyay ee lagu qabtay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium sanadkii 2013-ka.

Madaxweynaha Somalia Xasan sheikh Maxamud ayaa shirka warbixin ka siiyay guulaha ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan Al-shabab.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf xooggan oo aan dhanna u dhicin oo ka dhex oogan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Somalia. Laakiin waxa shirka ka maqan dawlado badan oo uu ay ugu horayso dwlada Maraykanka oo hore u qaadacday ka qayb galka shirkaas, iyadoo ku salaysay xiisadaha siyaasadeed iyo khilaafyada ka dhex jira dawladda Somaliya.