Shirkadda Dahab Shiil Oo Cisbitaalada 20 Magaalo Ugu Deeqday Xoolo Nool

0
554

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Dahab Shiil ayaa deeq xoolo nool ah ku wareejisay dadka bukaan jiifka ah ee ku jira cisbitaalada 20 magaalo oo ku yaala dhulka ay Somalidu degto.

 

Deeqdan iyo wareejinteeda, waxa ay shirkadda Dahab Shiil ka soo saartay warsaxaafadeed sidan u qornaa “Waxa shirkadaha Dahabshiil Group, oo kala ah Xawaaladda, Somtel, Dahabshiil Bank iyo Ganacsiga, farxad u ah inay kagala qayb-qaadato Bisha Ramadaan ee Barakaysan ummadda Muslinka ah, gaar ahaan, dadka bukaan-jiifka ku ah cusbataallada dadweynaha (Public Hospitals) ku kala yaalla 20 magaalo, oo ay ku yaalliin xafiisyada u waaweyn ee shirkadda Dahabshiil, deeq xoolo nool ah si loogu daryeelo dadkaa jilicsan fadliga bishaa barakaysan awgeed.

Waxa Shirkadaha Dahabshiil Group ugu talo galeen in 500 oo neef oo adhi ah loo kala qaybiyo bukaan-jiifka cusbataallo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeisa Berbera Borama, Gabiley, Laas Caanood, Ceerigaabo, Burco, Bossasso, Beledweyn, Mogadishu, Marka, Jowhar, Garowe, Gaalkacayo, Galmudug, Baydhabo-Bay, Xuddur-Bakool, Kismaayo, Buu’aale iyo Garbahaarrey.

Waxa deeqdan dhmmaanteed laga qaybiyey 20ka magaalo isku mar oo ku beegan 5 August 2012.

Deeqdani, oo ay ku baxayso xaddi lacageed oo ka badan US$50 000, waxay ka mid tahay hawlaha lagu weyneynayo bisha barakaysan ee Ramadaan oo qayb ka ah hawlaha samafalka iyo daryeelka bulshada ee shirkadaha Dahabshiil Group ku taakulayso qaybaha kala duwan ee bulshada danleyda ah ee Soomaalida.

Deeqdani waxay qayb ka tahay mucaawimooyinka sida joogtada ah bulshada Soomaaliyeed ee danyarta ah shirkadda Dahabshiil ugu taakulayso. Shirkadda Dahabshiil waxay ka shaqaysaa in ka badan 155 dal oo dunida ah.”