Shirkadaha Laydhka Hargeysa Oon Weli Samayn Qiime Dhismistii Ay Balan Qaadeen

0
557

Hargeysa(Geeska)-Shirkadaha ka hawlgala caasimadda Hargeysa ee Somaliland, ayaa ku guuldaraystay inay qiimo dhimistii loo baahnaa ku sameeyaan qiimaha  korontada ay macaamiisha siiyaan, xilli uu qiime ahaan shidaalku si weyn hoos uga dhacay halkii uu hore uga taagnaa adduunka iyo dalkaba.

xadhi

Shirkadaha ayaa shir ay bishii la soo dhaafay la galeen xukuumadda Somaliland waxa ay ku balan qaadeen inay dhimi doonaan qiimaha korontada ee halka yunit oo ahaa 1 dollar, iyagoo ku salaynaya hoos u dhaca ku yimid sicirkii lagaga iibin jiray shidaalka. Hase yeeshee inta badan shirkadaha, weliba shirkadaha bixiyay korontada ugu badan ee caasimadda Hargeysa ayaan samayn wax qiime dhimis ah, halka ay qaarkood sameeyeen qiime dhimis aan waxba ka duwanayn halkii hore. Shirkadaha qaar ayaa weli macaamiishooda ka qaada halkii dollar ee ay hore uga qaadi jireen halkii Unit, halka ay shirkadaha qaarna halkii dollar hoos uga dhigeen wax aan macno badan lahayn sida inay halkii Unit ka dhigeen 0.8 dollar.

Shirkadaha ayaa qiimahan waxa ay dadka ka qaadi jireen markii uu shidaalku dunida iyo dalkaba ka taagnaa qiimaha sare, laakiin iyadoo uu shidaalkii hoos aad ugu dhacay ayay haddanan weli shacabka ka qaadayaan qiimihii hore. Intaas waxa dheer shirkadaha korontada bixiya waxa ku yar adeegyada bilaashka ah ee ay ku iftiimiyaan waddooyinka caasimadda ku yaala ee ay guryaha ku yaala ka helaan lacagaha badan,  waxaanay shacbaku su’aalo badan iska weydiinayaan halka uu ku socdo damaca shirkadaha korontada bixiya.