Shirkada Sagal Jet Oo Si Balaadhan U Soo Bandhigay Laba Buug Oo Xalay La Daah-Furay

0
685

Picture2Hargeysa(Hargeysa):-Munaasibad balaadhan oo ay si heer sare ah ay u soo agaasimtay Shirkada Xayeysiiska ee Sagal Jet,isla mar ahaantaana ay ku soo bandhigtay  Laba buug oo ay qoreen Laba hablood oo kala ah Nada Yuusuf Cumar Iyo Muna Axmed Cumar ayaa lagu daah furay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Waxaana labadan buug oo kala ahaa buuga Baadidoon oo ay qortay Muna Axmed Cumar iyo sida oo kale buuga Beerta Qoyska oo ay isna qortay Nada Yuusuf Cumar kana hadlaaya arrimaha arrimaha bulshada.Waxaana uu munaasibadii lagu soo bandhigaayey ka soo qayb galay Marwada Madaxweynaha Somaliland Mawro Aamina Maxamuud Jirde(Amina Waris),Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale,Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md:Xirsi Xaaji Cali Xasan,Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo:Samsam Cabdi Aadan,Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Mujaahid ahna qoraa Boobe Yuusuf Ducaale,Maamulaha Shirkada Xayeysiiska Sagal Jet Md:Cabdi Yuusuf Aar,qaar ka tirsan hawl wadeenada shirkada Sagal Jet,Labada Qoraa ee buugaagta soo bandhigayey Muna Axmed Cumar iyo Nada Yuusuf Cumar,Haween,dhalinyaro  iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi ka hadlay Madaxa Suuq geynta ee Shirkada Sagal Jet Md:Sacad,waxaana uu sheegay in ay ka shirkad Sagal Jet ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in ay Xaflada Bandhiga Buugaagta ee ay qoreen Laba hablood oo dhalinyaro ah ay u sameeyaan,marwalbana ay ku dadaalayaan sidii ay u dhiiri galin lahaayeen dhalinyarta dada yar ee wax ka qoraysa arrimaha bulshada.

Muna Axmed Cumar iyo Nada Yuusuf Cumar ayaa iyaguna dhankooda halkaasi si faah faahsan ugu ku soo bandhigay waxyaabaha ay kaga hadlayaan buugaagta ay qoreen,waxaana ay tilmaameen in Labadan buug ee Beerta Qoyska iyo Baadidoon ay ka hadlayaan arrimo khuseeya dhinaca arrimaha bulshada,waxaana ay sheegeen in buuga Beerta Qoysku uu si toos ah uga hadlaayo arrimaha Qoyska,halka ay sida oo kale Muna Axmed Cumar oo iyaduna qortay buuga Baadidoon ay sheegtay in buugaasi uu ka hadlaayo arrimo khuseeya dhinaca horumarka bulshada.waxaana ay Labadan Hablood ay si xooga ugu mahad celiyeen shirkada Xayeysiiska ee Sagala Jet oo ay ku bogaadiyeen sida hagar la’aanta ah ee ay ula garab galeen soo bandhigitaanka Labadan buug,waxaana ay carabka ku adkeeyeen in ay shirkada Xayeysiiska ee Sagal Jet ay door muhiim ah ka ciyaartay dhiiri galinta iyo kobcinta Akhriska iyo Qoraalka oo ay u suurta galisay in ay soo bandhigaan Labadan buug.

Qaar ka mid ah dadkii akhristayaasha ahaa ee buugaagtan soo akhriyey oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ay iyana tilmaameen in Labadan buug ay yihiin Laba Buug oo arrimo badan oo muhiim ah ka hadlaaya,waxaana ay  labadan hablood ku dhiiri galiyeen in ay iyaguna halkaasi ay ka sii wadaan qorista buugaagta noocan oo kale ah.

Maamulaha Shirkada Xayeysiiska ee Sagal Jet Cabdi Yuusuf Aar oo halkaas ka hadlay ayaa si faah faahsan waxaa uu ugu hadlay u jeedada ay ka shirkad ahaan ay u caawiyeen soo bandhigida iyo daabacada Labada Buug,waxaana uu halkaasi kaga dhawaaqay in ay ka shirkad ahaan ay qaban doonaan tartan buugaag ah oo ay qofka buugiisu uu kaalinta Koowad uu galo ay bilaash ugu daabici doonaan.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey ayaa waxaa uu ugu hereyn uu hambalyo balaadhan uu udiray labada hablood ee soo bandhigay qoraalada buugaagtan,waxaana uu sida oo kale uu si xooga ugu mahad naqay Shirkada Xayeysiiska ee Sagal Jet,waxaan uu sheegay in ay kaalin aad u muhiim ah ay buuxisay isla mar ahaantaana ay  aad iyo aad u dhiiri galiyeen dhaliyarta dadayar ee soo bandhigtay buugaagta.

“Waxaan aad iyo aad aan u bogaadinayaa Labada Hablood ee qoray buugta halkan lagu soo bandhigay,waxaana aan leeyahay wax fiican ayaad dadkiina u samayseenee hambalyo Hamblyo,waxaana aan leeyahay Umad kasta waxaa ay ku horumartaa dhaqankeeda iyo waxii ay qorteen,maahana wax baaba’aya,Doorka ay kalahayd shirkada Sagal Jet soo bandhigida Labadan Buug,waxaa ay ahayd markii ay labadan hablood ay noo yimaadeen ayaa waxaa aanu kala qayb qaadanay qaabkii muuqaalka buugaasi u eekaanyo,iyo waliba soo bandhigida labada buugba,anaga oo aan wax maal iyo aduun ahna aan ka doonayn,waxa kale oo jirta in aanu uga gol leenahay sidii aanu u dhiiri galin lahayn dhalinyarada markaa xataa waxaanu hore uga qayb qaadanay buugaag kale oo aad u muhiim ah daabacaadoodii iyo farsamaynta qaabkii loo dhigaayey muuqaal ahaan,anagu ka Sagal Jet ahaan marwalba waanu balan qaadaynaa in aanu barbar istaagi doonaa dadka qora buugaagta.Arrinka kale ee aan idiin ku bushaaraynayaa waxa weeye in aanu qabanayno tartan dhamaanba dhalinyarada ka yar 35-jir,waxaana aan u qaban doonaa tartan ah dhamaanba cidii qortay buugaag oo aanu u saari doono gudi kala saarta,waxana aanu u saari doona gudi kala saarta oo buuga kaalinta Koowaad gala waxaanu balan qaadaynaa in aanu buugaas gabi ahaantiiba aanu bilaash ku daabaci doono”Ayuu yidhi Maamulaha Shirkada Sagal Jet Md:Cabdi Yuusuf Aar.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa isna si aada u amaanay Labada Hablood ee qoray Labadan Buug,waxaana uu sheegay “Inaga oo dhiiri galinayna hablaheena qaaliga ee soo bandhigay Labadan buug aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynaa,waxaa kale oo aan aad iyo aad aan ugu mahad naqayaa Shirkada Sagal Jet ee ka qayb qaadatay soo bandhigideeda,oo markii lay soo bandhigay Labada buug ayaan idhi aniga ayaa qaabilaya Hoolka Maansoor,deedna waxaa laygu yidhi iska daa hawlahaas oo dhanba Shirkada Sagal Jet ayaa qaabishee.Intaa ka dib Labada buugba waan akhriyey oo waxaan odhan karaa labada buugba aad iyo aad ayaa ay u muhiim u yihiin wax badana waa ay ku duugan yihiin oo ah aqoon aad iyo aad u badan,waxaanan leeyahay Illaahay Labadaba ka abaal mariyo”.Ayuu yidhi Md:Cabdi Casiis Maxamed Samaale

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md:Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa isna dhankiisa waxaa uu si aada ugu hambalyeeyey Labada Hablood ee Buuga Qoray,waxaana uu ku dhiiri galiyey in ay halkaas ay ka sii wadaan dadaalka ay sameeyeen.

“Aad iyo aad ayaan idiin ku hambalyeynayaa sida fiican e aad uga gun gaadheen hadafkiinii iyo himiladiinii,Insha Allaah-na waxaan Illaahay idiin ka rajaynayaa in aad noloshiina aad meel fiican ka gaadhaan,Bulshadeenu ma bulsho Kaslaan ahbaa,waxaad moodaa marka ay tilmaanta ina siisay Inanta qortay buuga Beerta Qoyska ay sheegtay in aanay helin meel ay ka soo xigato oo waxaan leeyahay waxaa aynu nahay mushtamac aad uga gaabinaaya in ay wax qabsadaan,waxaana aad aad aan hablaha ugu bogaadinayaa hawl karnimda ay la yimaadeen”Ayuu yidhi Md:Xirsi X.Cali Xasan.

Ugu danbayntiin waxaa halkaasi si wada jira uga hadlay Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo:Aamina Maxamuud Jirde iyo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo:Samsam Cabdi Aadan,waxanaa ay labaduba ay aad ugu hambalyeeyeen Labda Qoraa,waxaana ay sida oo kale ay u mahad celiyeen Shirkada Xayeysiiska ee Sagal Jet iyaga oo tilmaamay in shirkada Sagal Jet ay tahay shirkad marwalba dhiiri galisa dhalinta jecel Waxqorista,waxaana ay sida oo kale ay ku amaaneen hawsha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan.