Shirkada Jano-Gale Construction Oo Ku Guulaysatay Dhismaha Biriijka 3aad ee Hargeysa

0
862

Hargeysa(Geesaka)-Biriijkii saddexaad ee ay yeelato Hargeysa  ayaa laga bilaabay dhanka bari ee magaaladda. Dhismaha biriijkan waxa ku guulaysatay shirkada Jano-gale Construction Company,waxaanay shirkadu ka bilawday dhismaha biriijkan duleedka fooqa Jajabka.

Dhaqaalaha lagu dhisaayo biriishkan waxa bixisay Haay’adda islaami ah oo ka dhisan dalka Qadar Taas oo Magaceeda la yidhaa RAF oo Soo wakiilatay Jaamacada Bedar Iyo haayada Man-Hal.

Agaasimaha fayo dhawrka ee dawlada hoose Khadar Yuusuf Cali oo ugu horayntii halkaas ka hadlay waxa uu yidhi“Waxa farxad wayn noo ah in ay noo bilaab matay hawshii biriijka fooqa Jajabka ee uu maayarka caasimada Hargaysa dhagax dhigay bishii dhamaatay intii uu socday mashruuca dhismaha birijkan oo ay maal galisay haay’ada Raf oo ka dhisan dalka QADAR, isla markaan deeqdaasi ay soo martay jaamacda Bedar iyo Man-hal,maantana aynu  bilawnay gun-dhigii ugu horeeyey ee biriijka.waxaan umahad naqayaa dhamaan haay’adda Raf iyo jaamacada Bedar iyo Man-hal oo dhamaan toodba aan odhan karo waxa ay ka gaysteen gacan wayn sidii uu u dhismi lahaa biriijkani.”

Picture2Waxa isna halkaasi ka hadlay Jaamac oo ka wakiil ah haay’adda Raf kana masuul ah jaamacada Bedar waxaana uu yidhi”Kolay sidaas la sheegay bil ka hore ayaa halkan la dhagax dhigay ujeedada loo dhisay biriijkuna waxa uu ahaa culayskaas ka dhexe jira suuqa inuu kala yareeyo kaas oo noqonaya biriijkii saddexaad meel wanaagsana waa uu ku yaala oo badhtankii suuqa ah aniga ka haayad ahaan iyo  masuuliyiinta haayada Raf waxa noo farxad ah in ay bilaab-matay hawshii anuu qorshaheeda lahayn.”

Gaba-gabadii waxa ka hadlay shirkada dhisaysa biriijkan ee Jano-gale oo ku guulaysatay tartankii ay u gashay dhismaha biriijkan, Cabdibaasid Maxamed Ibraahin oo halkaas ka hadlay hadaladiisa waxa ka mid ahaa“Runtii shirkadaasi khibrad badan ayey uleedahay dhisida biriijyada,maata waxaanu  gacanta saarnay bilaw-giisii biriijkan hadana waxa ka socday nadiifintii oo laga gurayo qashinka,kolay biriijkani waa kii saddexaad ee laga dhiso magaalada Hargaysa dooxanina waxa uu hada yeelan doonaa saddex biriij,waxaana mahad naqa gaara siinaynaa mux-siniinta bixiyey aduunka lagu dhisayo biriikan.Horta ka shirkada ahaan angu waxaanu u dhisi doonaa qaab casri ah oo la talaabsanaya kuwa loo dhiso caalamka oo kale  shirkadanina waxa ay noqotay shirkada ku guulaysatay dhismaha biriikan oo tartan loo galay waxaana rajaynayaa inuu noogu dhamaado si wanaagsan.”