Shirkada Geeska Afrika Spare Parts Oo Mootooyin Guddoonsiisay Shirkada Somtel

0
680

Picture3Hargeysa(Geeska) Shirkada Geeska Afrika Spare Parts ayaa  laba mooto oo ah Mootiyinka casriga ah gudoonsiisay Shirkada Isgaadhsiinta ee wadaniga ah ee SOMTEL, waxaana munaasibadii wareejinta Mootiyinkan oo si weyn loo soo agaasimay ay ka dhacday Caydiid Hotel ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay munaasibadan Mulkiilaha Shirkada Geeska Afrika Spare Parts Yaasiin Yuusuf Axmed, Masuuliyiin iyo Shaqaale ka tirsan Shirkadan iyo Madaxa sare oo ka socotay Shirkada Somtel. Munaasibadana waxa ugu horeyn ka hadlay Ismaaciil Mire oo ku hadlayay magaca Geeska Afrika spare parts, waxaanu  amaan balaadhan iyo mahadnaq u soo jeediyey Sihrkada Geeska Afrika Spare Parts, waxaanu ku amaanay sida ay u garatay inay Shirkada Somtel u gudoonsiiso Mootoyin. Wuxuu Mr. Mire, sheegay inay shirkadda SOMTEL ay waxyaabaha ay u baahantahay ee dalka laga heli karo ka iibsato ganacsatada wadanka gudihiisa, halka waxyaabaha aan wadanka laga helayna u dirto inay ganacsatadu uga sii iibiso dibadda.  Mulkiilaha Shirkada Geeska Afrika Spare Parts Yaasiin Yuusuf Axmed oo isna munaasibadaas ka hadlay  ayaa ka hadlay sababta ay u gudoonsiinayaan Shirkada Somtel Labada Mooto inay tahay sida ay dadka ugu adeegto, waxaanu yidhi “Haddaanu nahay Shirkada Geeska Afrika Spare Parts waxyaabaha noo dhib yareeyay ganacsigayaga waxa weeye adeega wanaagsan ee ay noo keentay Shirkada Somtel ,waxaan dadweynaha aad ugu boorinayaa in loo markhti furo waxa uu qof kasta ama shirkad kastaa qabato si qofkaasi ama shirkadaasi u dhiirato uu halkaasi uga sii wado dadaalkeeda hadiyo goor  Telefishinada waxaad ka aragtaan xayasiiskoga lama arag cid xajiijisa waxan ay xayasiiyaan lakiin anagu  waanu xaqiijinaynaa oo waanu ka markhaati kacaynaa . Hadaanu nahay Maamulka Shirkada Geeska Afrika Spare Parts waxaan halkan si rasmi ah ugu wareeejinaynaa Shirkada Somtel Laba Mooto oo ah nooca Sportiga oo aanu ugu talo galay in aan ku siino sida qiimaha badan ee ay bulshada ugu adeegto Shirkada wadaniga”. Dhinaca kale waxa isna munaasibadaas ka hadlay Madax guud ee hawlgalinta Shirkada Somtel Axmed Cabdilaahi Caynaashe waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Shirkada Geeska Afrika Spare Parts, oo uu uga mahadnaqay Mootiyinkan ay gudoonsiisay, waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaaya magaca Shirkada Somtel waxaan aad ugu mahadcelinayaa Shirkada Geeska Afrika Spare Parts qalabkan ay nagu maamuseen ama gawadhidan yar-yar ee  ay nugu wareejinayaan  anaguna aad ayaanu ugu faraxsanahay in aanu idinkala soo qayib galo”. Adeegayagan waa adeeg lagu horumaro oo qofkastaa isagoo halkan jooga ganacsigiisa uu halkaa kaga dalbanaayo waxa uu u baahanyahy,  Somtel bilowgeedii ilaa maanta waa Shirkad meel sare gaadhsiisay Bulshadeeda ama macaamiisheeda ilaa maanta ay dalka ka wado Adeega 4G “.