Washington (Geeska)- Dhalinyaro tiradoodu ka badan tahay 800 oo ka soo jeeda qabiilooyinka asal ahaan iska lahaa dhulka Maraykanka ayaa khamiistii toddobaadkii hore isugu yimid kulan ay Aqalka Cad kula qaateen madaxweynaha Maraykanka. Munaasabaddan ayaa lagu tilmaamay mid ay qabiilooyinkan muddada dheer la illaabay u arki doonaan taariikh dhaxalgal ah oo uu Obama ka tegi doono.
Marwada koowaad ee Maraykanka Michelle Obama iyo masuuliyiin kale ayaa dhalinyaradan dhaladka Maraykan ah oo ka soo jeeda 230 qabiil u jeediyey khudbado taabanaya xaaladda iyo nolosha bulshooyinkan, waxa aanu noqonayaa kulankii abid ugu horreeyey ee dhalinyaro qaab qabiil loo soo agaasimay ay isugu yimaaddaan aqalka Cad ee Maraykanka. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska The Huffington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in mawduucyada ugu badan ee shirkan lagaga hadlay ay la xidhiidheen dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, garsoorka, fursadaha dhaqaale iyo hidde dhowrka. Waxa aanu kulanku qayb ka ahaa mashruuc loogu magac daray hindisaha Obama ee jiilka asaliga ah oo la bilaabay sannadkii hore ujeedadiisuna tahay horumarinta nolosha dhalinyarada ka soo jeedda qabiilooyinkii asal ka ahaa, iyada oo laga hor qaadayo caqabadaha ka hortaagan fursadaha guusha u horseedi kara”
Madaxweyne Barak Obama markii uu dhegeystay duruufaha kakan iyo xaaladaha naxdinta leh ee ay dhalinyaradani sheegeen in ay bulshadoodu qabto iyo sidoo kale dayacaadda muddada dheer ay dawladda Maraykan ku haysay ayaa la arkayey isaga oo ilmaynaya, waxa aanu markii dambe sheegay in xaaladdani ay ka mid tahay kuwa dhifta ah ee ka oohiyey intii uu joogay xafiiska Maraykanka looga taliye oo inta badan oohin iyo calool jileec aanu oollin.
Dhinaca kalana marwo Michelle Obama oo ka hadlaysay duruufaha haysta dadkan iyo sababta ay aaminsan tahay in ay ku keentay duruufahan qallafsan ayaa waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Taageeridda dhalinyaradani, wax wanaagsan oo keliya ma’aha, sidoo kale maalgashi aynu mustaqbalka ku samaynayno oo keliya ma’aha, bales waxaa intaasba ka horreeya in ay tahay waajib rasmi ah oo qaran ahaan inna saaran” iyada oo intaas ku sii dartay in dadkani aanay dhibtan iyo faqrigan haysta dhaxal u helin, habeen iyo dharaar dhexdoodna ku soo toosin, balse ay tahay dhibaato iyo faqri ka dhashay taariikh dheer oo takoor iyo tacaddi nidaamsan ahaa.
Xoghayaha arrimaha gudaha ee Maraykanka Sally Jewell ayaa shir jaraa’id oo ay ku sharraxaysay hindisahan madaxweye Obama waxa ay kaga dhawaaqday in xukuumadda Obama ay qorshaysay in si loo horumariyo waxbarashada toddoba ka mid ah qabiilooyinka, dugsiyada deegaannadooda ku yaalla iyo horumarinta waxbarashadooda la geliyo 1.45 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, lacagtan oo qayb ka ah lacag ka badan Hal Bilyan oo doolar oo ah dayactirka dugsiyadaasi u baahan yihiin. Sidoo kale xoghaye Jewell waxa ay muddooyinkii u dambeeyey wadday ol’ole ay doonayso in lagu tirtiro magacyada muujinaya takoorka ee loo bixiyo qabiilooyinka asal ahaan u lahaa dhulka Maraykanka, sida Hindida cas-cas iyada oo hor-istaagtay dhismaha garoon kubbadeed ay kooxda Redskins ka wadeen Washington oo loo bixinayey Redskins Stadium. Waxa aanay shardi kaga dhigtay in marka hore ay kooxdu magaceedan beddesho, maadaama oo uu yahay magac ka mid ah kuwa xaqiraad ahaan loogu naanayso dadka isir ahaan ka soo jeeda dadkii asalka ahaa ee dhulkan.