Sheeko Kale: Madaxdoon Madaxwaa! Cabdisalaam Yaasiin

0
617

Nin baa hiye kacay oo hawo madaxnimo gashay. Wuxu kolba meel hirdiyoba, golihii suldaanka ayuu galay. Ilayn waa nin hunguri madaxnimo hayo eh, markiiba wuxu diiradda saaray in uu wasiirka kowaad ee suldaanka noqdo. Waana u suuro gashay.

1

Ilaynay mansab laguma waaro eh, suldaanki wasiirkii kowaad xilkii buu ka qaaday. Wasiirkii oo arrintii ka xun, ayaa qol goglan oo roogag yaaliin mid ku fadhiistay.

Roogii ayaa

dhaqdhaqaaqay! Ka dibna waaba la duulay!

Ninkii oo yaabsan, ayaa Haatuf la hadlay oo  ku yidhi, “Madaxdoon! Ku so dhowow roogan duulaya! Waadigan baaxa-degaya ee doonaya dal aad madax ka noqoto eh, daafaha dunida ayaan kugu soo wareejinayaye, ka dooro dalkaad xukumi lahayd.”

Markuu roogi in muddo ah duulayay, ayuu ninkii dul geeyay meel lama degaan ah oo kulul oo magaalo cagaarani ku taala. “Meeshani waa lama degaan oo kululaykeeda  xamili maaye, iga kaxee,” ayuu Madaxdoon ku yidhi Haatufkii.

Roogi waa la sii duulay. Wuxu dul geeyay magaalo baraf ka dhacayo, oo wada  cad, oo qabaw. “Weligayba baraf iyo meel sidan u cad oo u qabaw ma arag. Halkanna ku geli maayee, iga kaxee,” ayuu hadana ku yidhi Haatufkii.

Hadana roogi waa la duulay. Wuxu dul geeyay meel ay ah oo ugaadh, habarduug iyo shimbro,ka buuxaan.  “Waxay il tahay in ay halkani kuu ahaan oo aad, Madaxdoon, madax ka noqon,” ayuu Haatufki ku yidhi.  “Waar meeshan waa laysku cunayaaye iga kaxee oo gurigaygii igu celi!!!” ayuu Madaxdoon oo madaxwaayihi ku yidhi Haatufkii..