Sheekh Badhtamaha Hargeysa Muxaadaro Ka Jeediyay Oo Ka Waramay Nin Shalay Fiidkii Toorey Ku Weeraray

0
558

Picture6Hargeysa(Geeska)-Nin toorey ku hubaysan ayaa dhaawacyo gaadhsiisay Sheekh Maxamed Haybe Geele oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa, kaas oo ay dhaawacyadu gaadheen markii uu dhameeyay muxaadaro uu ku qabtay diyaaradda khayriyada u dhow hoosteeda, isagoo sheekhu caan ku ah inuu jimce kasta gelinka dambe muxaadaro ku qabto suuqyada magaalada.

Sheekh Maxamed, waxa uu ninkaasi laba goor tooreyda kaga dhuftay garabka bidix oo dhawr qodob la tolay. Sheekha oo uu Geeska Afrika xalay ku booqday cisbitaalka guud oo lagu dawaynayay ayaa ka waramay sida loo weeraray, waxaanu yidhi, “Maalinta Jimcaha muxaadaro ayaanu qabanaa, waxaanan shalay ku qabanay diyaaradda hoosteeda, waxaanu mawduuca muxaadaradu ahaa in Carrabka in la ilaaliyo. Markii aanu dhammaynay ee aanu qalabkii furfurnay ee aanu xaraynay islamarkaana aan ku socdo masaajidka Adino ayaan maqlay cod xagga dambe iga leh “Wadaadkoow, wadaadkoow.” Codkaas oo igu soo dhow markii aan eegay waxaan arkay nin toorey sita, waanu igu bilaabay tooridii, waxaanan isku dayay inaan is difaaco, Alle mahadii halkii uu doonayay inuu igaga dhufto igagama ay dhicin oo Alle ayaa I badbaadiyay.”

Sheekhu isagoo hadalka sii wata wuxuu yidhi, “Labada meelood ee ay tooreydu igaga dhacday waxa la tolay meelna shan qodob, meelna afar qodob, suulka gacanta midigna waxa la tolay afar qodob.”

Falkan ayaa ah mid uu noociisu ku cusubyahay magaalada Hargeysa, waxaana goobtii uu falku ka dhacay si weyn ugu soo xoomay dadweynihii ka ag-dhawaa oo la yaaban falkan.