Sheekh Aadan-siiro Oo Ku Taliyay In La Sharciyeeyo Heshiiskii Xisbiyada, Kana Digay Tartanka KULMIYE Ka Dhex Taagan

0
511

Picture8Hargeysa(Geeska) :-Sheekh Aadan Xaaji Muxumed Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka, ayaa si adag uga hadlay muranka siyaasadeed ee muddooyinkii danbe ka taagnaa heshiiskii ay xisbiyada iyo xukuumaddu ka gaadheen khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta oo ay golaha Guurtidu ku gacan saydheen in ay oggalaadaan, waxaana uu ugu baaqay in golaha Guurtidu ay ansixiyaan heshiiskii ay gaadheen xisbiyada iyo xukuumaddu isaga oo sida oo kalena ka hadlay loolanka siyaasadeed ee maalmahii u danbeeyey dib uga curtay murashaxnimada madaxweyne ee xisbiga Kulmiye, waxaana uu u soo jeediyey in aanay tartamayaashu ummada khal khal galin balse ay tartankooda u maraan nidaamka sharciga ah.

Sheekh Aadan Siiro, ayaa hadalkan ka sheegay ka dib salaadii Ciidal Fidriga ee garoonka Xawaadle ee magaalada Hargeysa, waxaana uu ugu horeyn si mugleh uu uga hadlayaa khilaafka ka taagan muddo kordhinta.“Waxaan guurtida jamhuuriyada Somaliland aan ugu baaqaynaa in heshiiska la sharciyeeyo oo si aynaan u jabin waxan aynu ku heshiinay oo aan khalal u iman oo Guurtiduna xaqeedii u hesho, waxaan idiin ku baaqaynaa si aan khilaafkeenu u sii foggaanin sharciyeeya oo dawladuna ha idin la sharciyeyso axsaabtu ha idin la sharciyeyso ummada oo dhammina ha isku kiin barbar istaagto idinka ayaa xaq u leh laakiin adeer waxa aynu ku heshiinay ayaa sharci ah.”.Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Sheekh Aadan Muxumed Xiiray oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in loolanka murashaxnimada madaxweyne ee dib uga curtay xisbiga Kulmiye uu saamayn xoogga ku keeni doono dawlada maadaama uu yahay xisbi xaakimkii.

“Tartanka xisbiga Kulmiye ka dhaxeeya waa dawladii oo dhib ayaa uu innagu keenayaa haddii uu sii foggaado, waxaan Kulmiye ugu baaqaynaa waar waxaad tihiin xisbigii dawlada hoggaaminayey khilaaf ummadu uma baahna, dadka tartamayaana si caqli, xikmad iyo danayn loo danaynaayo ummadan yare e aynu yab yabnay khilaafkiina adeer si sharci ah u dhammaysta oo reerahan ha ku wareerinina khilaafkiina oo dhalinyarta iyo caruurta ha ku wareerinina oo ha kala shir shirinina ee waxaad samaysaan qaabka sharciga ah ugu kala baxa haddii Alleh idmo”.Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.