Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Hadlay Dilalkii Dhacay Iyo Dhibaatada Muranada Dhulka

0
562

Picture4Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada reer Somaliland ayaa ka hadlay dhibaatada ay if iyo aakhiraba uu leeyahay warka aan la hubin ee bulshada la dhex dhigo.

Sheekh Aaden Siiro, ayaa sidoo kale khudbaddii Jimcaha ee shalay kaga hadlay dhibaatada murannada dhulku ku hayaan dalka, sida ay qaladka u tahay in dhiig qof bani-aadam ahi oo cirka iyo dhulkuba ka ooyeen la saaro cid aan ogeyn, isagoo ku baaqey in wax laga qabto dhibaatada dhulka.

Sheekha oo ugu horeyn ka hadlaya dhibaatada Somaliland ku qabto warka aan la hubin ee bulshada la dhex dhigo ayaa yidhi “Maanta warka beenta ahi lacag buu jaraa, ninba ninka uu ka been badan yahay ee uu ka afmiishaarsan yahay, ninba ninka uu ka qurxin badan yahay dhacdooyinka, isagoo been iyo wax kasta isku daraya, ninkaasi waa nin maamullada agtooda laga jecel yahay, oo dadka jecel in la amaano agtooda laga jecel yahay, oo dadka intiisa kale ka tilmaaman…”

Sheekh Aaden Siiro oo sii hadlaya ayaa sheegay “Maanta Marfashyada aynu fadhiisanno ee quruxda badan ee ILAAHAY nabadda inagu siiyey waxa dhammaantood lagaga sheekeeyaa nin maqan oo aan wax ba laga ogeyn, raganimaduna waxay tahay sidaad u soo bandhigto cirdiga qof Muslim ah oo walaalkaa ah, markaa waa inaynu fahamnaa aafaadka dalka ka jira…..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo uu ka hadlay dilkii dhawaan xaafadda Jigjiga yar ee Hargeysa “Dalka dil baa ka dhacay, haddaynu qori lahayn waxa laga yidhi dilalkaa dhacay may qaadeen Samada iyo arladu iyo sida war aan sugnayn looga sheegay dilalkaa ka dhacay dalka, inaad qof Muslim ah oo aan waxba ka ogeyn Saarto dhiigga Samada iyo Arladu ka qayliyeen dhibkeeda ayay leedahay, innagana qofku markiiba dhiiggii ayuu tafsiirayaa isaga oo aan meeshii tagin, markaasuu markiiba Fadwo bixinayaa oo uu odhanayaa ciddaasi ayaa ka dambeysay, waxaan leeyahay waar hadallada hala hubsado oo dawladdu ha hubsato, culimadu ha hubsato, odayaasha iyo dadka aqoonta lihi ha hubsadaan, si marka arrin yimaaddo halkiisa loo dhigo. Qofku inuu beenaale yahay waxa ugu filan inaad wax kasta oo aad maqasho aad sheegto…”

Sheekh Aaden, waxa uu Tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday wiilkii ku dhintay xaafadda Jigjiga Yar ee Hargeysa “Dilka dhacay waanu ka xunnahay, Axmed Jabbaan Tacsi ayaanu u direynaa (oo wiilkiisu ku dhintay muran dhul), ilmo toban jir ah ama 11 jir ah dhagaxa uu tuuraa into dhibaato keeni karaa, waxay mareysaa in wajahadda xabbad lagaga dhufto, kuwa xabadda ku dhuftay inanka yar waxay wateen gaadhi, miyey garan waayeen inay iskaga dhaqaaqaan. Axmed Jabbaan maxaa lagu dilay inankiisa, waxa lagu dilay 10Mt oo dhul ah oo uu daganaa, halka kuwo aan maalin dalka u soo dhididin ay Malaayiin Mitir oo dhul ah oo Caasimadda badhtankeeda ah qaateen, waxaan leeyahay ILAAHAY xaqa ha ina garan siiyo…”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray oo u duceeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Qaranka, isaga oo ILAAHAY uga baryey inuu go’aan khayr leh ka soo saaro khilaafka muddo kordhinta ee laga sugayo.