Saylici: Soo Bixitaankiisu Ma Xumad Siyaasadeed Baa Mise Waa Dardargelinta Hawlaha Qaranka?

0
623

Hargeysa(Geeska)-Labadii maalmood ee u dambeeyay waxa la arkay madaxweyne-xigeen Saylici oo hadda ah ku simaha madaxweynaha oo u soo baxay banaanka islamarkaana soo kormeeraya xarumo dawladu leedahay.

1

Saylici Isniintii wuxuu tagay wershad ay leedahay dawladda hoose ee Hargeysa oo dhisaysa jidadka caasimadda Hargeysa. Shalayna wuxuu tagay oo uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay mashruuca JPLG ee caawiya dawladaha hoose ee dalka.

Sidoo kale waxa Isniintii doraad la arkay isagoo dhex jooga mid ka mid ah hoteelada Hargeysa ee laga cunteeyo, waxaanu ka dalbaday hadhimo, isagoo ay weheliyaan masuuliyiin xukuumadda ka tirsani.

Soo bixitaanka Saylici waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay maalmihii u dambeeyay jireen isbedelo siyaasadeed, ka dib markii ay xisbiga Waddani laba maalmood oo isku xiga ku soo biireen siyaasiyiin culus oo reer Hargeysa iyo kooxdii isbahaysiga KULMIYE, kuwaas oo miisaan ku kordhiyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Toddobadii sannadood ee u dambeeyay waxa lama arag madaxweyne-xigeen Saylici oo laba maalmood oo isku xiga ka soo madaxtooyada oo u soo baxa hawlo qaran, Waana markii u horaysay ee Saylici lagu arko isagoo ka dhex cuntaynaya hoteelada ay bulshada u badani ka cuntayso.

Markaas bulsho badan ayaa isweydiisay in socdaalka Saylici uu yahay dardargelinta hawlaha qaranka sida uu sheegay iyo  inuu yahay mid ay sababtay xumadda doorashada ee la dareemi karo inay dhinaciisa marayso meel sare, maadaama oo yahay murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiga KULMIYE.

Labada midka ay tahayba, waxa ka jawaabi kara madaxweyne-xigeen Saylici, oo haddii ay ahayd dardargelinta hawlaha qaranka, waxa la arki doonaa isagoo sii wada kormeerka xafiisyada dawladda, haddiise uu ahaa mid xumada siyaasaddu keentay waxay noqon doonaan kormeero halkaas ku hakada iyo dhex galka bulshada oo noqda maalin keliya.