Sagal Jet Oo Xaflad U Samaysay Daah-furka Diiwaanka Mullaax Ee Abw. Ibrahim-Gadhle

0
665

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Waxa xalay magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu daah-furay diiwaanka Mullaax oo lagu ururiyay suugaantii Alle haw naxariistee Marxuum Ibrahim Sheekh Saleban (Ibrahim-Gadhle).

Shirkada samaynta boodhadhka casriga ee Sagal Jet ayaa Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ku qabatay xafladaas  oo ay ka qayb galeen  Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Xildhibaan Xaashi Xuseen, Gudoomiyaha Ururuka Dhalinyarada Sonyo iyo marti sharaf aad u badan.

Buuga Diiwaankan ayaa waxaa Hagida Abaabulkiisa lahaa Aadan Aw Cabdi Cismaan, waxaana Ururiyey Tifaftirayna Boobe Yuusuf Ducaale iyo Ibraahim X. Muuse Wacays. ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay  Cabdi Yuusuf Aar oo ku hadlayey Magaca Shirkada Sagal Jet oo daabacday buugan, waxaana uu ka dhawaajiyey inay ka shirkad ahaan ay qayb laxaadle ka qaataan arimaha horumarka bulshada waxaana hadaladiisi ka mid ahaa "Ka shirkad ahaan waxaanu ku faraxsanahay inaan soo bandhigno buuga diiwaanka Mulaax kaas oo aanu shirkad ahaan daabacaadeeda aanu samaynay, sidoo kale waxaanu samaynay qaabka iyo hanaanka qurxinta buugan, waxaanam odhan karaa waa wax lagu farxo inaanu hadana buugan aanu 50% aanu ku daabacno anagoon u eegayn inaanu wax ka faa'idno, waxaanan jeclahay inaan u mahad celino cid kasta oo nagala qayb qaadatay soo saarista buugan, gaar ahaan waxaan aad ugu mahad naqayaa Boobe Yuusuf Ducaale iyo Ibraahim X. Muuse oo aan odhan karo hawl baddan ayay galiyeen soo bixida buugan".

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Boobe Yuusuf oo si qoto dheer uga hadlay taariikh nololeedkii Saleebaan (Ibraahim- Gadhle) isagoo ku sifeeyey shakhsi hal-abuurnimadiisu ay tahay mid wax iftiiminaysa, waxaana uu si qoto dheer uu uga hadlay ruwaayadihii baddnaa ee uu hal abuuray iyo maansooyinkiisi uu tiriyey intii uu ifka ku noola. dhanka kale waxaa hadalka la wareegay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo isaguna sheegay inuu Ibraahim-Gadhle uu ahaa shakhsi ilaahay hibo u siiyey tirinta maansooyinka iyo hal abuurida ruwaayadaha, waxaana uu ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo isagoo halkas uga duceeyay. Waxaa xafladan soo gunaanaday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro isagoo sheegay inuu aad ugu farax san yahay inuu ka soo qayb galo munaasibadan balaadhan ee lagu daahfurayo buuga Diiwaanka Mullaax, waxaana uu halkaas mahad naq balaadhan uga soo jeediyay shirkada Sagal Jet oo uu ku amaanay had iyo jeer sida wadaniyada leh ee ay uga qayb qaadato horumarinta arimaha bulshada.