Safiirka Talyaaniga Oo Hargeysa Safar Ku Yimid

0
785

ssssssHargeysa(Geeska)-Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah Md. Mawliid Maxamed Ibahim, ayaa shalay madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay safiirka Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya Danjire Andrea Mazzela.

Wasiir Mawliid, oo saxaafadda kula hadlay madaarka Hargeysa, ayaa sheegay in safiirku Hargeysa u yimid laba ujeedo oo kala ah inuu furo shir ku saabsan horumarinta amniga oo ay iska kaashanayaan jaamacada Hargeysa iyo jaamacad Talyaani ah oo maanta la furayo iyo inuu la kulmo madaxda Somaliland.  “Wuxuu safiirku u yimid lab ujeedo, marka koowaad inaanu cilaaqaadka Somaliland iyo Talyaaniga ka wada hadalno marka labaadna furitaanka tababar ku saabsan horumarka nabadgelyada oo jaamacada Hargeysa iyo  Jaamacad Talyaani ahi wada qaban qaban qaabiyeen. Tababarkaas  oo socon doona lix cisho oo ay ka qayb geli doonaan dad ka kala socda Somaliland, Djibouti, Itoobiya, Kenya Somaliya iyo Talyaaniga, waxaana tababarka bixinaya khubaro Talyaani iyo Somaliland isugu jirta, waxaana lixda maalmood ee uu socda lagu bixin doonaa shahaado caalami ah.”  Ayuu yidhi wasiir-xigeenka arrimaha dibadu.

Danjire Andrea Mazzela oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in safarkani yahay kii koowaad ee uu ku yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu sheegay inuu doonayo in la xoojiyo xidhiidhka labada wadan