Hargeysa (Geeska)- Wakaaladda wararka Interfax ee dalka Ruushka ayaa subaxnimadii jimcihii shalay baahisay war sheegaya suurtogalnimada in gantaalkii khamiistii soo riday diyaaraddii rakaabka ahayd ee dalka Malaysia uu ahaa mid lagu waday diyaaradda madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, warkan oo ay wakaaladdu ka soo xigatay sarkaal ka tirsan Wakaaladda duulimaadyada Ruushka ayaa intaas ku daraya in diyaaradda la soo riday oo ahayd Boeing 777 iyo diyaaradda madaxweynaha dalka Ruushku ay khamiistii mareen khad isku mid ah oo dul mara magaalada Warsaw ee caasimadda dalka Poland, labada diyaaradoodba waxa ay ku haadeen joog isku mid ah oo ahaa 10.1 Kilomitir waqtiga u dhexeeyeyna waxa uu ahaa 27 daqiiqo oo u dhexeeyey, 4:21 galabnimo oo ay khadkaas martay diyaaradda madaxweyne Putin iyo 3:44 galabnimo waqtiga Moscow oo ay diyaaradda rakaabka sidda ee Malaysia martay. Warkan uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda Interfax waxa uu intaas ku daray in labadan diyaaradood ay aad isugu eeg yihiin qaab ahaan, midabk ahaan dhumuc ahaanba.
Tirada Rakaabka iyo dhalashadooda:
Wararkii u dambeeyey ee diyaaradda laga helay ayaa sheegaya in diyaaraddaas dadka saarani ay ahaayeen 298, halkii hore looga shaaciyey 295 ruux, waxa aanay isugu jiraan; 43 ruux oo u dhashay dalka Malaysia (Waxa ay kala ahaayeen 28 Rakaab ah oo laba carruur ahi ku jiraan iyo shaqaalaha diyaaradda oo ahaa 15 ruux), 189 ruux oo u dhashay dalka Netherlands, 27 Ruux oo u dhashay dalka Australia, 12 ruux oo u dhashay dalka Indonesia oo uu ku jiro ilmo yari, 9 Ruux oo u dhashay dalka Ingiriiska, 4 u dhashay dalka Jarmalka, 4 u dhashay dalka Belgium, 3 u dhashay dalka Filibiin, 1 u dhashay Kanada, iyo 6 qof oo ay masuuliyiinta duulimaadada ee dalka Malaysia sheegeen in aan weli la xaqiijin dalalka ay u dhasheen, in kasta oo ay jiraan warar sheegaya in ay Maraykan yihiin.
Dad ka qaybgalayey shir lagaga hadlayo AIDS ka:
Michel Sidibe oo ah agaasimaha fulinta ee hay’adda qaramada Midoobey u qaabilsan la dagaallanka AIDS ka oo magaceeda loo soo gaabiyo UNAIDS ayaa isna maalintii shalay shaaca ka qaaday in tiro aanu sugin oo ka mid ahaa rakaabka diyaaraddan ku la’day ay u socdeen shir-sanadeedka 20naad ee caalamiga ah ee AIDS ka lagaga arrinsado oo ka dhacayey magaalada Melbourne ee dalka Australia. Shirkan oo ergada sannadkan ka qayb galaysaa ay gaadhayso 12 kun oo ruux oo dunida iskaga yimi ayaa lagu wadaa in uu maalinta Axadda ah ee berri bilowdo.
Qisaska yaabka leh:
– Wargeys ka soo baxa dalka Malaysia ayaa jimcihii shalay baahiyey waraysi uu la yeeshay wiil uu abti u yahay duuliyaha koowaad ee diyaaraddan la soo riday, Kabtan Cumraan Xuseeyn oo da’diisu 50 jir ahayd, waxa aanu u sheegay in sannadkan uu abtigii u diyaar garoobay in uu dalka Sucuudiga u tago xajka. Isaga oo intaas ku daray in uu Kabtan Cumraan ahaa duuliye waayo-aragnimo 20 sano ah u lahaa duulinta.- Waa arrin aan la yaab ahayn in qoys u dhashay dalka Australia ay diyaaraddan Malaysia ee ku burburtay bariga Ukraine ay kaga dhinteen laba ruux, waxase dareenka dadka iyo indhaha warbaahinta dunida soo jiitay markii la ogaaday in qoyskan qudhiisu uu isla diyaaraddii hore ee Malaysia ee Afar bilood ka hor iyada oo ku socota dalka China hawada lagu waayey ay kaga dhinteen laba ruux oo kale.
Wargeyska Christian Science oo isna wax ka qoray dhacdadan foosha xun ayaa sheegay in diyaaraddan Malaysia ee ku dul burburtay hawada dalka Ukraine gaar ahaan xuduudka uu dalkaas la wadaago Ruushka oo ay gacanta ku hayaan kooxo Ruushku taageero oo gooni-goosad ah, ayaa laga yaabaa in uu weji kale u yeelo loollanka adage e Ruushka iyo Reer Galbeedka bilihii u dambeeyey halkaas ku dhex marayey, maadaama oo la filayo in falkani uu indhaha dunida oo dhan ku soo jeedin doono xasaradaha siyaasadeed ee ka jira bariga dalka Ukraine, su’aalo badanna la iska weydiin doono kooxaha gooni-goosadka ah ee uu Ruushku taageero.
Sirdoonka Ukraine:
Wargeyska Washington Post oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa isna baahiyey in sirdoonka dalka Ukraine ay sheegeen in ay dhex galeen xidhiidh cod ah oo qaar ka mid ah masuuliyiinta kooxaha gooni-goosadka iyo saraakiisha sirdoonka Ruushku ay kaga wada hadlayeen arrinta diyaaradda dalka Ruushka ee la soo riday.