Reer Hargeysa Oo Qalbi Furan Ku Qaabilay Murashaxnimada Iid Xasan Muuse

0
641

Hargeysa(Geeska)-Munaasibad balaadhan oo lagu soo dhaweynaayo  Iid Xasan Aw  Muuse,  oo ku Dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Doorashada baarlaanka 2017 dalka ka qabsoomi doonta ayaa,  habeen hore lagu qabtay huteelka imperial ee magaalada.

Eiid

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen murashax madaxweynaha UCID Jamaal Cali xuseen ,wasiiru dawlada Arimaha dibada Somaliland Maxamed Rasiid sheikh Xasan iyo dadweyne tiro badani, ayaa waxa lagu soo dhaweeyay murashaxnimada Iid.

Iid ayaa ah nin wax badan taray qaddiyadda Somliland, isagoo hormuud ka ah dadka reer Somaliland ee qaarada Yurub uga dhaqdhaqaaqa hirgelinta qaddiyadda Somaliland.

Munaasibadan ayaa, waxaa ugu horeyn ka hadalay qoraa Jaamac Muuse Jaamac oo ka waramay taariikhda iyo aqoonta uu u leeyahay Murashax  iid Xasan Awmuuse oo uu sheegay inuu ku sifoobay wadaniyad iyo dal jacay isle markaana u heelan horumarinta dalkiisa qoraa jaamac waxuu ugu baaqay in bushada ku dhaqan caasimadu doorato Murashax Iid Xasan Awmuuse

 Marwo Foosiya Ismaaciil oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa, sheegtay inuu Murashax Iid Xasan Awmuuse Uu ahaa  shaqsi yaadka ugu firfir Coon  qurba jooga Somaliland ee UK isle markaan uu hadiyo jeer dhaliin yarad reer Somaliland ku dhiiri galiyo wadaniyada iyo taageerad qadiyad Somaliland

Marwo foosiya waxay ugu baaqaday bushada reer Somaliland inay doortaan Murashax Iid Xasan Awmuuse oo ay ku Sifaysay inuu yahay haldoorka Somaliland ee is xilqaamay

 Murashax Jamaal Cali Xuseen oo munasibadaasi ka hadalay ayaa, si qoto dheer uga waramay muhiimada ay bushada u leedahay inay doortaan qof aqoon iyo karti leh waxaan tilmaamay inuu leeyahay astaamihii wax lagu dooranaayey murashax Iid Xasan awmuuse aanay dayic fursadaasi maadaama uu u taagan yahay baarlaamka

‘ hadii maanta bushadeenu Reer walab qofka ugu Fiican iska soo Xulaan oo aynu helno qof lamid ah Iid Xasan Awmuuse oo kale runtii horumar baynu gaadhilahayn Somaliland maanta waxay u baahan tahay Jiil Cusub majaraha u qaba

Waxaan leeyahay walaalkay iid Xasan Awmuuse waanu  ku soo dhaweynaynaa Mushaxnimaad waxaad arki doontaa wax ku dhiiri galiya iyo wax ku niyad jabiya labadba markaa sabir baad ku gaadhi doontaa higsigaaga insha all ayuu yidhi jamaal Cali Xuseen

 Marwo Sucaad Carmiye oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa, si qoto dheer uga warantay taariikhda murashax Iid Xasan Awmuuse oo ay sheegtay inu ku sifoobay dal iyo dad jacay iyad oo tilmaantay doorka uu ku leeyahay ka qayib qaadashada dhaqdhaaq Aqoonsi raadinta Somaliland iyo dhiiri galinta dhaliin yarad

Maxamed Rambo Tafaftiraha Wargeyska Geeska Afrika oo munaasibadaasi ka hadalay ayaa, tilmaamay astaamaha hogaamiyaha lagu garto inuu leeyahay Murashax Iid  Xasan Aw muuse, isagoo sheegay in murashaxnimada Iid ay sharaf u tahay shacabka reer Hargeysa, waxaanu bulshada reer Hargeysa ka codsaday inay codkooda siiyaan murashax Iid, isagoo u balan qaaday inuu taageeradiisa la garab istaagi doono.

Suldaan Jaamac oo ah Suldaanka beesha uu ka soo jeedo Murashax Iid Xasam Aw muuse  ayaa, Cadeeyey in beeshoodu isku raacaday maurashax iid Xasan Awmuuse inuu noqdo Murashax u taagan tartanka doorashada baarlaanka 2017 ka dhicdoonta Somaliland “Beesha aan suldaanka u ahay iyadoo ay jiraan qolooyin kale oo shaaciyey inay u sharaxan yihiin baar lamaanka waxaan maanta halkan ka cadaynayaa in beeshu isku raacday murashax Iid Xasan Awmuuse

Ka dib markii aanu aragnay aqoontii kartidiisa iyo kaalinta uu kaga jiro bushada reer Somaliland waxaanan aamin sanahay  inuu iid Xasan yahay nin qaran ee aanu ahayn inin qabiil shacabka caasimadan waxaan u soo jeedinayaa inay doortaan

Waxaanan ugu baaqayaa beesha dhamaan teed inay Arin iyo aduun isla garab taagaan iid Xasan Muuse

 Gabo gabadii waxaa halkaasi ka hadalay Murashax Iid Xasan Aw muuse oo ka waramay Himiladiisa iyo Hadafkiisa waxuu sheegay inuu munaasibadani u qabtay inuu ku shaaciyo inuu yahay murashax  u taagan doorashada baarlaanka ee dhicdoonta 2017 waxaanu tilmaamay

inuu u taagan yahay inuu baarlamaanka Somaliland noqdo mid la xisaabtami kar Xukuumada dhexe Murashax Iid waxuu bushada Reer Somaliland ku Buuriyeyinay Doortaan Murashax ay is Leeyihiin waxuu Gaadhsiin Karaa Hormar iyo meel sare waxaanu uga digay inaay soo door kuwa hadhow laga qooma meeyo  Mr Iid waxuu bushada ku wacyi galiyey muhiimad ay leehaday inuu qof ku qaato kaadhka codbixintu “siyaasadu maaha Damac ee waa halbeeg iyo ahdaaf la doonayo in la xaqiijiyo ,madaxweynaha iyo baar lamaanka aad dooranaysaan waa shaqaale idiin shaqeeya ,waanad six kartaan

Mr iid waxuu xusay inaanay siyaasadu ahayn meel laga raadiyo dhaqaale balse ay tahay meel loogu shaqeeyo bushada isagoo hadalkiisa sii watan waxuu yidhi.

Si kastaba ha ahaate, murashax Iid, ayaa waxa la dareemayaa in dadweynaha reer Hargeysa ay murashaxnimadiisa qalbi furan ku qaabileen, markii looga wax waramay taariikhdiisa iyo wax qabadkiisa la xidhidha iibinta qaddiyadda Somaliland.