Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, Ayaa Magacaabis Iyo Isku-Shaandhayn Ku Sameeyay Qaar Kamid Ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

0
31

Muqdiisho(Geeska) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Daahir Shire Maxamed ugu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Waxaa xilkaan laga qaaday xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sidoo kale isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Ugu Danbeyn waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Cismaan Axmed Macoow.