Qurbe-joog Xulka Kubad Cagta Ee Gobalka Hawd Ku Wareejiyay Qalab Ciyaareed

0
667

Picture1Hargeysa(Geeska)-Munaasibad Afur iyo Casho isku jirta ayaa xalay ka dhacday Caydiid Hotel ee Magaalda Hargeisa Munaasibadan oo qalab sport lagu gudoonsiinayey gobolka Hawd ayaa waxa kasoo qayb galay Maamulka iyo qaar ka mida ciyaartoda gobolka hawd.

Waxa ugu horayn halkaas ka hadllay Afhayeenka Gobolka Garyaqaan Ayaanle Xaliye oo ka waramay Munaasibada iyo sida loo soo agaasimay waxaanu sheegay in nasriin nuux ugu talo gashay ciyaartoyda gobolka inay u noqoto dhiiri galin isla markaana kulan ku uu noqon doono mid joogto ah.

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Isuduwaha gobolka Hawd Iid Ciise waxaanu mahad celin balaadhan u diray Nasriin Nuux Yuusuf  waxaanu sheegay inay qalabkaa aad ugu baahnaayeen oo ay nasriin kaga farxisay Maalinta Ciida Awgeed .

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Tobobaraha gobolka hawd Mustafe Yuusuf waxaanu mahad celin balaadhan u diaray Nasriin isla markaana wuxuu ku tilmaamay qof ku dayasho mudan oo ay tahay in qurbe joogu ku daydaan ciyaartoyda wuxuu kula dardaarmay dedaal dheerad ah inay muujiyaan… sidoo Kale Afka Ciyaartoyga waxa ku hadlay  Captain ka gobolka Hawd C/raxmaan Ilka Case oo isna Mahad celin u diray Nasriin Nuux  wuxuuna sheegay inay qalabkaas la guddoonsiiyay  u baahnaayeen.

Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Marwo Khadra Kaliil oo iyana amaantay gobolka ugu danbayn. Ugu dambayn  waxa halkaas ka hadashay marwo Nasriin Nuux waxaanay sheegtay in aanay tani noqon doonin tii ugu danbaysay ee ay garabka la garab joogi doonto hiil iyo hoo ba ciyaartodana waxay ka dalbatay inay akhlaaqdii looga bartay ku sifayssnaadaan meel kasta oo ay tagaan guul na way u rajaysay gobolka