Qurbe-Joog Ku Cadilmay Hargeysa Oo Gadood La Hortagay Wasaaradda Daakhiliga Iyo Fadeexadaha Muuqda

1
604

Picture5Hargeysa (Geeska) – Guud ahaan rakaabkii diyaaradda Ethiopian Airlines ka qaadi lahayn Magaalada Hargeysa, balse toddobaadii Maalmood ee u dambeeyay ku xanibmaa Caasimadda, ayaa shalay abaaro 2:00 duhurnimo Mudaharaad la hor tagay xarunta Wasaaradda arimaha gudaha oo ay door bideen inay uga cawdaan mushaakilka ku dhacay, ka dib markii diyaaraddii qaadi lahayd diiday inay Madaarka Hargeysa soo caga dhigato.

Dadkan rakaabka oo xarunta Wasaaradda arimaha gudaha la hor tagay basas ay alaabtoodii saaran tahay, balse hore loogu diiday inay ugu tagaan Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya si halkaasi uga dhoofaan, ayaa markii ay xarunta Wasaaradda is hor tubeen, waxa dib u soo celiyey ciidamo boolis ah, sida sheegeen, waxayna dib ugu soo laabteen xafiiskii shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya ku leedahay Hargeysa halkaasi oo ay warbaahintu ku booqatay.

Dadkan rakaabka ah oo u badan qurba-joog isla-markaana ay ku jiraan waalidiin wata carruur waxbarasho kaga jira dalalka dibadda oo ka habsaamay iyo weliba dad xaaladdo caafimaad u tagi lahaa Magaalada Addis-ababa, ayaa waxay aad uga cawday hanaanka loola dhaqmay, iyagga oo sheegay in aanay ilaa hadda xukuumadda Somaliland, shirkadda Diyaaradaha iyo wakiilkeeda Hargeysa aanay ka haynin hadal cad oo la xidhiidha sababta ay diyaaradda Itoobiya u iman wayday Hargeysa.

Sidoo kale, waxa dadka Mudaharaadka la hor tagay Wasaaradda arimaha gudaha ku jiray shakhsiyaad ajaanib caddaan ah oo ka mid ahaa dadkii diyaaraddu u qaadi lahayd dhanka Magaalada Addis-ababa, kuwaasi oo ka cadhooday baaqashada diyaaradda ee aan sababteeda la aqoonin.

Qaar ka mid ah 134 rakaab ah oo ka qayb-qaadanayey Mudaharaadkii shalay, ayaa dareenkooda mariyey warbaahinta , waxayna xukuumadda ku canaanteen dhibaatada ku dhacday ee ka dhalatay baaqashada diyaaradda, iyagga oo sheegay in carruurtii ay wateen ay ka habsaameen dugsiyadii maadaama ay muddo toddobaad ku dhow habsan ku yihiin Hargeysa “Ingiriiska ayaan ka imid, inan yar oo 8 jir ah ayaan wataa, iskuulkii ayay ka habsaantay 20 cisho, anniguna shaqadeydii ayaan ka habsaamay, maalin walba waxa lana leeyahay soo noqda” sidaa waxa tidhi haweenay laba Carruur ah midna dhinaca ku sidday, mid kalena gacanta haysay, waxayna intaa ku dartay “Maanta (shalay) baska fuula ayaa lanagu yidhi haddana ka soo degga ayaa lanagu yidhi”

Haweenay sheegtay inay ka timid dalka Sweden oo iyaduna saxaafadda la hadashay ayaa tidhi  “Wallaal waxaan ka imid dalka Sweden, 8-dii bisha ayaan ku qornaa, imika afar maalmood ayaan halkan (Xafiiska diyaaradda ee Hargeysa) ku soo noqnoqnayaa”

Sidoo kale, mid ka mid ah dadka qurba-joogta ah ee Mudaharaadka sameeyay, ayaa isaga oo sharaxaya sababta ay u xidheen waddada wadnaha Hargeysa, gaar ahaan agagaarka Wasaaradda arimaha gudaha oo ay mudaharaad la hor tageen ayaa yidhi “Waxaanu waddada u xidhnay in war cad lanoo sheego oo dawladda na xukuntaa ay arimahayaga ka shaqeyso oo Itoobiya iyo dawladdu wadahadlaan”

Si kastaba ha ahaate, xukuumadda Somaliland waxa soo waajahday fadeexad ka dhalatay dib u dhiska garoonka Hargeysa oo lagu maalgeliyay 4.5 Milyan Dollar oo ay dawladda Kuwayt bixisay. Warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya ayaa sheegay inay diyaaradu duulimaadkeeda  joojisay ka dib markii ay aragtay inaanu dhabaha garoonku ahayn heerkii la doonayay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhawaan garoonkan xadhiga ka jaray, waxase yaab leh inaanu shaqaynayn garoonkii uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray.

Comments are closed.