Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Beelaha Subeer Celi

0
881

Picture3Hargeysa(Geeska)-Toddoba qodob ayaa laga soo saaray shirkii Beesha Subeer Celi oo ka mid ah Beelaha Arab, ugu qabsoomay magaalada Baargoo.

Shirweynahan oo loogu magac daray Muraad iyo Midnimo, waxa qoraal war-murtiyeed ah oo laga soo saaray lagu yidhi sidan:  “Shirwaynaha Beelaha Subeer Celi (Arab) Ee Muraad & Iyo Mudnimo 1 12/11/2014 Shirwaynihii Beelaha Subeer Celi Ee Muraad Iyo Midnimo  Ee Ka Socday Tuulada Baargoo Aya Si Rasmi Loo Soo Gunaanaday Maanta [jimcihii shalay] Oo Ay Tariikhdu Tahay 14/11/2014.

 Shirkan Oo Ahaa ,Shir Aayo Ka Tashi Ah Oo Beeshu Si Mugleh Uga Soo Qayb Gashay Waxa Uu Kusoo Dhamaaday Guul,Is Afgarad Iyo Talo Midaysan Oo Beeshu Hakaa Ku Gaadhay.

Qodobadii Shirwaynaha Muraad Iyo Midnimo Kasoo Baxay Waxay Ahaayeen:

In Madax Banaanida Somaliland Tahay Lama Taabtaan

2- In Dariska Iyo Beelaha Walaalaha Nahay Nabadgalo Iyo Daris Wanaag Kula Noolaano

3- In Beesha Subeer Celi Ku Midawdo Magta, Arimaha Dhaqanka Iyo Danta Caamka.

4- In La Abuuro Gudi Dhaqan Oo Ka Kooban Beelaha Subeer Celi Oo Arintaa Xeer U Sameeya.

5- In Beesha Subeer Celi Oo Cod,Maal ,Iyo Dhiigba U Hurtay Dawlada Kulmiye Ku Hungowday Saamigii Ay Xaqa Ugu Lahayd Mudada Shanta Sano Ku Dhaw Ee Ay Talada Haysay

6- In Gudidii Shirkaa Soo Qaban Qaabisay Ay Noqoto Gudi Ka Talisa Ayaha Beesha Ee Dhanka Siyasada Iyo Horumarka.

7-In La Magaaleeyo ,Lana. Horumariyo Deegaamada Beesha Gaar Ahaan  Magaalada (Baargoo)  Shirwaynihii Kowaad Ee Beelaha Subeer Celi (Muraad & Midnimo)