Qaxoontigii U Horeeyay Ee Yemen Ka Yimid Oo Soo Gaadhay Berbera

0
661

Picture4Berbera(Geeska)-Laba iyo soddon ruux (32) oo u dhashay wadanka Yemen ayaa shalay soo gaadhay magaalada dekedda ah ee Berbera, ka dib markii ay ka soo qaxeen dagaalka iyo duqaymaha ka socda wadankaas ee ka dhanka ah Xuutiyiinta, waxaanay ka yimaadeen magaalada Ticis.

Hay'adda UNHCR ayaa sheegtay in 32 qof oo Yemeniyiin ah oo ka yimid Ticis ay ka dageen dekedda Berbera ee Somaliland. Hay'addu waxay sheegtay in dadkan ay muddo 12 saacadood ah ku soo jireen badda.

Qaxoontigan ayaa isugu jira dad waaweyn iyo carruur, waxaana muuqata suurtogalnimada inay soo Somaliland ku soo bataan qaxoontiga ka soo yaacaya dagaaladaas.