Qarax xalay Ka Dhacay Hoteelka SYL Ee Muqdisho

0
572

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Qarax aad u culus ayaa xalay  ka dhacay banaanka hore ee Hotel SYL oo aan wax badan ka fogeyn xarunta Villa Somalia. Qaraxa kadib waxaa la maqley rasaas xoogleh oo dhacaysa.

dddddddddddddd

Muddo 40 daqiiqo ah kadib qaraxii kowaad ayaa mar kale la maqley qarax kale oo culus, kaas oo la sheegay in uu ka dhacay Beerta Nabadda (Peace garden) oo loo nasasho tago.

Hay’adda sirdoonka Somaliya ayaa sheegtey in  ay dileen afar nin oo ahaa kuwii weerarka labaad ee beerta Nabadda ka qayb qaatey, hay’adda sirdoonka ee NISA  ayaa sheegtey in ay weerarka ku waayeen laba askeri oo ciidankooda ka mid ahaa, kadib markii weerarka u horeeyey qabsadey meel Isbaaro ah oo NISA joogtey.

Inta la og yahay ilaa hadda ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyoodey, Cisbitaalka Madiina waxaa la gaadhsiiyey dad ku dhaw 10 qof oo ku soo dhaawacmey weerarka qaraxyada ku bilowdey.

Al-Shabab ayaa sheegtey in ay weerarka ka danbeeyeen, waxaana ay sheegteen kooxo ka tirsan in ay gudaha u galeen Hotel SYL.

Wararku waxay sheegayaan in Hotel SYL oo ay caan ku yihiin in ay degaan Siyaasiyiintu laga soo badbaadiyey Xildhibaano, Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda iyo Guddoomiyaal gobol, waana weerarkii labaad ee lala beegsado.