Muqdisho(Geeska)-Ugu yaraan inta la ogyahay lix ruux oo u badan askar ayaa ku geeriyooday, tiro kalena way ku dhaawacantahay weerar baabuur is qarxin ah xalay fiidkii lagula beegsaday xarunta Madaxtooyada Somaliya ee Muqdisho.
Gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala eegtay xarunta madaxtooyada, waxaana wakhtiga weerarku dhacay madaxtooyada ka baxayay qaar ka mid ah wufuud ka qayb gashay shir labadii cisho ee u dambeeyay Muqdisho ka socday. Sida ay BBC Somali xalay sheegtay gaadhi uu leeyahay ergayga Qaramada Midoobay Nicholas Kay, ayaa waxyeello ka soo gaadhay weerarka, waxaana la sheegaya in qaar kamid ah ilaaladiisa oo Soomaali ahaa ay dhaawacmeen.
Ma cadda in weerarku uu bartilmaameedkiisu ahaa Nicholas Kay, hasa yeeshee wararka qaar waxay sheegayaan in markii uu weerarka dhacayay uu Kay ku sugnaa xarrunta madaxtooyada, uuna dhacay qaraxa xilli uu doonayay in uu madaxtooyada ka baxo.”