New York (Geeska)- Qaramada Midoobey ayaa warbixin ay jimcihii dhowaa soo saartay waxa ay kaga digtay kufsiga iyo xad gudubka lagula kacayo dumarka iyo carruurta tahriibayaasha iyo qaxoontiga ah ee ku sugan Yurub, waxa aanay dowladaha Yurub ugu baaqday in ay dadaal dheeraad ah geliyaan ilaalinta dadkaas.
Haayadda Qaramada Midoobey ee Qaxoontiga UNHCR ayaa sheegtay in dumarka iyo carruurta ku jira qaxoontiga iyo tahriibayaashu ay tradoodu ka badan tahay saddex meel tirada gudu ee qaxoontiga iyo tahriibayaasha tiradoodu ka badan tahay 600 oo kun oo sannadkan oo keliya gaadhay qaaradda Yurub, waxa aanay caddaysay in dadkaasi ay khatar ugu jiraan in siyaabo qaldan loogu danaysto.
Afhayeen u hadashay haayadda UNHCR oo lagu magacaabo Melissa Fleming ayaa iyada oo ka hadlaysa arrintan waxa ay tidhi, “Qaylo dhaan ayaa aanu diraynaa” iyada oo tilmaamtay in ay warar badani ka soo gaadhayaan xad-gudubyo iyo kufsiyo ka dhacay xarumaha lagu qaabilo qaxoontiyada iyo tahriibayaasha ee dalalka Yurub, oo dad aad u badani ay isugu yimaaddaan. “Xarumaha noocan ahi inta badan waxa ay u baahan yihiin ilays ku filan, iyo qaybo gaar u ah dumarka, gaar ahaan gashaantimaha iyo qoysaska carruuraha wata” ayaa ka mid ahaa hadalka Melissa Fleming oo intaas ku si dartay in ay sidoo kale jiraa qaxoonti iyo tahriibayaal badan oo iyagu aan gelin xeryaha gudahooda balse bannaanada, beeraha dhexdooda, jidadka hareerahooda iyo xarumaha tareennada ka dhistay taandhooyin ay degaan, kuwaas oo dumarka iyo carruurta ku jiraa ay si gaar ah ula kulmaan tacaddiyo iyo fara xumayn.
Waxa kale oo ay Melissa sheegtay in ay dhacdo in carruurta qaar ay si ku talogal ah xidhiidh jinsi u sameeyaan oo jidhkooda ay iibiyaan si lacagta ay ka helaan ay u siiyaan tahriibayaasha gaadhsiinaya dalalka ay doonayaan, sababtuna waa carruurtan iyo dumarkan oo aan marka hore lacag sidan ama lacagtii ay siteen oo intii ay tahriibka ku gudo jireen laga xaday. “Carruurta aanay dadkoodu la socon, ayaa ah kuwa khatarta ugu badani ku dhacdo, waayo ma haystaan cid ilaalisa iyo cid daryeesha midna” ayaa ay tidhi Melissa.
Sida lagu sheegay warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-carabiya afhayeenka UNHCR waxa ay sheegtay in Mukhalasiinta iyo tahriibiyeyaasha carruurtan iyo dumarkan ku riixaya in ay jidhkooda ka ganacsadaan ay iyaguna ka mid yihiin dembiilayaasha, iyada oo ay sidoo kalana jiraan tahriibayaal kale oo iyaga qudhooduna falalkan faro-xumaynta ah kula kaca tahriibayaasha qudhooda, gaar ahaan meelaha ay dadku aadka ugu badan yihiin, “Dhammaantood waa dembiilayaal” ayaa ay tidhi Melissa oo ka hadlaysa dhinacyada kala duwan ee ay xustay in ay ku lug leeyihiin falalkan kufsiga iyo ka ganacsiga jidhka ah.
Qaramada Midoobey waxa ay ka digtay in ay jiraan dalal door ah oo iyagu isku meel ku xareeya qaxoontiga carruurta ah iyo kuwa qaan-gaadhka ah, taasina ay keento dhaqan xumo badan oo lagula kaco carruurta. Waxa aanay caddaysay in UNHCR ay hadda ka shaqaynayso dejinta hab ay ku ogaan karto illaa heerka ay gaadhsiisan tahay dhaqan xumadan lagu hayo dumarka iyo carruurta u soo gudba Yurub. Waxa aanay ugu baaqday maamul hoosaadyada deegaannada ay qaxoontigani joogaan ee Yurub ay ilaaliyaan dadka qaxoontiga ama tahriibka ah ee iyagu daciifka ah, iyada oo si guud dowladaha Yurub ugu baaqday in xeryaha ay dadka ku qaabilayaan ay noqdaan kuwo ku habboon isla markaana carruurta u raadiyaan meel dhaanta xeryahaas.