Qaramada Midoobay Oo Sheegaty Malaayiin Qof Oo Soomaaliya Ku Nool Oo Wajahaya Cunto Yari Ba’an

0
32

Ku dhawaad 3.4 milyan oo qof oo Soomaalia ku nool ayaa la sheegay inay la daalaa dhacayaan heerar sare oo cunto la’aan daran ah, sida lagu sheegay nidaamka qiimeynta sugnaanta  Cuntada (IPC) ee ay adeegsato Qaramada Midoobay.

Nasiir Cabdi Caruush, Wasiirka Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, oo kamid ah meelaha ugu daran ee cunto la’aantu ka jirto, ayaa sheegay in qaar ka mid ah sababaha cunto la’aanta aysan ahayn kuwo ay xakameyn karaan, haddana wuxuu tilmaamay inay socdaan dadaallo wax looga qabanayo.

“Dowladdu waxay ku howlan tahay xal u helidda musiibadan iyada oo hirgelinaysa tallaabooyin lagu xoojinayo sugnaanta cuntada ee mustaqbalka fog,” ayuu yiri Wasiir Caruush.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha gargaarka ayaa weli ka digaya in gargaar degdeg ah loo baahan yahay si looga hortago in xaaladdu kasii darto, gaar ahaan deegaanada miyiga iyo xeryaha barakacayaasha.

Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay la kulantay musiibooyin is daba joog ah oo la xiriira cimilada, iyada oo abaaro iyo fatahaado is baddalayay ay burburiyeen wax-soosaarka beeraha iyo xoolaha kuwaasoo laf-dhabar u ah nolol maalmeedka dad badan.

Hay’adaha gargaarka ayaa ku baaqaya kordhinta maalgelinta iyo taageerada caalamiga ah si wax looga qabto xaaladda sii xumaanaysa, iyaga oo ka digaya in haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, dad badan ay la kulmi doonaan gaajo daran iyo nafaqo-xumo ba’an.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Qorshaynta xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in ay hoos u dhigeen  heerka saboolnimada dadka Soomaaliyeed.