Qaramada Midoobay Oo Dhaqaale Ku Bixinaysa La Dagaalanka Ayaxa Oo Dhibaato Ku Haya Dalal Somaliland Ku Jirto

0
567

Hargeysa (Geeska)- Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in lacag dhan 1.5 Million doolar ay ku bixineyso la dagaalanka Ayaxa faraha ba’an ku haya waddamo ka mid ah Geeska Afrika.

Qaramada Midoobay ayaa dhaqaalahan soo marin doonta hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO.

Dhaqaalahan ka kooban 1.5 Million dollar, ayaa inta badan loo isticmaali doonaa hawlgallada xakamaynta Ayaxa, iyadoo lagala dagaallamayo  hawada iyo dhulka.

Sarkaalka lagu magacaabo Farhan Haq oo ah ku-xigeenka guud  ee Qarramada Midoobey ayaa sheegay in tan iyo December 2020  ay duufaanno ka dhaceen bariga Ethiopia iyo bardhamaha Dalka Soomaaliya oo ay ka dhacday tii ugu xoogga badnayd ee Gati.

Bishii la soo dhaafay ayay hay’adda Cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay u qaabilsan ee FAO ayaa codsatay dhaqaale dheeraad ah si sare loogu qaado la dagaallanka Ayaxa ka dillaacay  waddamada bariga Afrika oo ay ku jiraan Somaliland iyo Soomaaliya.

Geeska.net/Hargeisa Office