Qalinka Iyo Waayaha: Prof. Yuusuf Goodir Maxamed

0
1294

Picture8Siyaasadda Hore u Marka

 

Tiirarkii aynu soo tilmaanay waxaa ka mid ahaa siyaasadda hore u marka. Somaliland si ay u noqoto qaran taagan waa in ay yaraysaa baahida ay u qabto dunida. Taasi waxay ku iman kartaa in aynu baahideena dhaqaale daboolo. Maanta wadankii aan la soo bixin wuxuu quudanayo (food security) qaranimadiisu halis bay ku jirtaa. Ma aha oo qudha in ay ku iman karto cadaadis iyo cuno qabatayn midiidin laynaga dhigo, Sanadihii tegay dunida waxa soo foodsaartay cuna yari. Baaxadda dhuleed ee dunidu way xadidan tahay, bulsho waynta duniduna way sii kobcaysaa; damacii aadamiguna muu dhamaan. Wasaaradaha ay khusayso waxaa looga fadhiyaa in ay keenaan hanaankii lagaga bixi lahaa duruufahaas. Umadi way dhego nugushahay, haddii ay waydo waxay quudato.

Markaan soo ururiyo siyaasadda arimaha debeddu waa in ay ku eerato xeererka caalamiga ee aayo ka tashiga, danta jiritaanka umadeed iyo kuwa danwadaagta umadaha. Waxaa dhacda in aynu galo heshiisyo caalamiya weliba kuwa UN-ta, ma cid aan ina aqoonsanayn ayaynu heshiis la gelaynaa, ugu yaraan waa in ay baahiyaan in Qaramada Midoobay heshiis la gashay Somaliland. Waa in ay jirto dan inoogu jirta heshiiskaas, mid diblomaasiyadeed ama dhaqaale. Dhul shisheeye ha joogee wargaysyadda ka soo baxa Hargeysa ayaa hay’adaha Qaramada Midoobay ku xayaysiiyaan in ay u doonayaan qof shaqaale ah, wadanka Soomaaliya, fadhigiisuna yahay Hargaysa! Lama aqbali karo! Garashadda, dadnimadda iyo xuquuqda umadaha ee hay’addaasi ka hadasho ayay ka soo horjeedaa! Mar-marka qaarkood aqoon iswaydaarsiyada ay qabtaan ayaa dadkii aynu washaysiga u naqaanay ka dhex yidhaahdaan diidmadda qaranimadeena. Waa in madaxda dawladdu u tabobaran tahay eray celinta xad gudubyadaa ku jeeda Qaranimadeena. Qaarka mid ah kuwaasna saacado kooban loo qabtaa si ay wadanka kaga baxaan, run ahaantii wax badan oo laga damqado ayaynu la kulanaa.

Halkaa waxaa ku dhamaaday qormaddii aynu ugu talo galay Siyaasadda Arimaha Debedda. Haddii Ilaah ka dhigo waa inoo totobaadka danbe iyo mawduuc kale.

Ygoodir2008@hotmail.com