Qalalaase Ka Taagan Codaynta Dastuurka Masar

0
587

masarQahira(Geeska)-Dadweynaha reer Masar ayaa shalay u dareeray dastuur cusub oo la doonayo in loo sameeyo wadanka Masar.

Shan ruux ayaa lagu dilay dibedbaxyada looga soo horjeeda aftida destuurka Masar iyadoo Ikhwaanul Muslimiinku ku baaqeen dibedbaxyo.

Aftidan ayaa la qabanayaa dhowr bilood kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Maxamad Mursi.

Tobanaan kun oo askari ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka si ay u sugaan ammaanka aftidan destuurka. Dastuurkan qabyada ah ee loo codeynayo ayaa baddeli doonoo destuurkii la ansixiyay xilligii uu Mursi madaxweynaha ahaa.

Militeriga ayaa xukunka ka tuuray Mursi lix bilood ka hor. Weriyayaasha  Qaahira ayaa sheegaya in militeriga ay doonayaan in loo codeeyo destuurkan si loo ansixyo tallaabadii xukunka looga tuuray Maxamd Mursi. Mursi ayaa ahaa madaxweynihii ugu horrey ee si dimuqraadi ah loo soo doortay dalka Masar.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo loo aqoonsaday urur argagixiso, ayaa ku baaqay inaan laga qeyb qaadan codbixintan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegay in 200,000 oo boliis iyo dhowr boqol oo ciidan gaar ah ay ka qeyb qaadanayaan sugidda ammaanka aftida.

Saxaafadda  ayaa sheegtay inuu jiro olole ballaadhan oo dadka loogu baaqayo inay destuurka u codeeyaan.

Balse waxaa adag inaad aragtid wax astaan ah oo ay leeyihiin dadka u ololaynayo in laga soo horjeesta destuurka.

Xisbiga uu hoggaamiyo ninka Islaamiga ee Cabdilmuncim Abulfatuux, ayaa sheegay inuu qaadacay aftida kaddib markii la xidhay qaar ka mid ah xubnihiisa oo u ololaynayay in "maya" loogu codeeyo dastuurka cusub.

Dastuurka waxaa qoray 50 xubnood oo aanay ku jirin Islaamiyiinta, halkaa kii la qoray xilligii Mursi ay iyagu u badnaayeen dadka qoray. Dadka ka soo horjeeda dastuurka cusub waxay sheegayaan inuu u danaynayo militeriga. Waxaa ku qoran in dadka rayyidka ah la hor gayn karo maxkamadaha militeriga.

Waxaa kale oo ku qoran inay shardi tahay in militerigu oggolaado cidda qabanayso xilka wasiirka difaaca ee dalkaas sideedda sano ee soo socota.

Destuurkii hore waxaa ansixiyay boqolkiiba 64 dadka codeeyay, basle waxaa doorashada ka qeybqaatay boqlkiiba 32 daka xaqa u leh inay codeeyaan.