Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa la filayaa inay maanta ku dhawaaqdo go’aanka ay ka gaadhay dalabkii fasiraadeed ee uu Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay toddobaadkii hore.
Maxkamadda sare ayaa maanta go’aan ka gaadhaysa muranka siyaasiga ahaa ee muddooyinkan dambe dalka ka taagnaa, ka dib markii ay fasiraad cad maanta ka soo saari doonto midka sharci ah ee lagu dhaqmayo go’aankii guurtida ee muddo kordhinta iyo heshiiskii ay xisbiyadu gaadheen.
Maxkamadda ayaa hore u dhagaystay doodda xisbiyada qaranka ee heshiiska gaadhay iyadoo sidoo kale ay golaha guurtidu u gudbiyeen doodooda sharci, waxaanay sidoo kale la kulantay guddiga doorashooyinka iyo dalladda ay ku bahoobeen ururada aan dawliga ahayni ee SONSAF, waxaanay dhinacyadan oo dhami maanta u dheg taagayaan go’aanka ay maxkamadda sare ka soo saari doonto muranka siyaasiga ah ee mudada dhawrka bilood ah wadanka ka taagnaa kaas oo saamayn siyaasadeed oo gudaha iyo dibadaba ah ku yeeshay qaranka.