Qaar ka Mida Kooxda Xiddigaha Geeska Ayaa Todobaadkan Soo Bandhigay Heeso Cusub Oo Dhaawacay Quluubta Kaadiriinta Sare Ee Xisbi Xaakimka Kulmiye.

0
77

Hargeysa(Geeska)Kooxda Xiddigaha Geeska oo aan beryahan dambe sidoodii hore uga soo muuqan jirin masraxyada fanka lagu karkariyo  ayaa todobaadkan soo bandhigay heeso cusub oo dhaawacday quluubta   Kaadiriinta sare ee Xisbi xaakimka Kulmiye. heestan oo mid mid u taabaneysa  guul darooyin tiro badan oo xukuumada Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kala kulantay dhinacyada; hoggaaminta, Maamulka, Siyaasada iyo midnimada bulshada Somaliland, mudadii todobada sanadood ahayd ee la soo dhaafay ayaa maqalkeedu bulshada ka dhex dhaliyey guux iyo xamaasad, iyada oo kooxdu u soo jeedisay codbixiyaasha in aaney u codeyn Musharaxiinta xisbiga Kulmiye uga qayb gelaya tartanka doorashada Madaxtooyada Somaliland, iyagoo cod dheer ku yiri;  ” Dadweynoow, si aan codkiinu idinka khasaaroobin mar labaad ha dooranina raggii aad doorashadii hore u qaldanteen ee fashilmay.”

waxa kale oo ay  Madaxweyne Bixi  ku eedeyeen inuu ku fashilmay difaacii qaranka oo uu  leeyahay masuuliyada dhacdadii 25kii Ogosto 2024, ciidamada qaranka Somaliland kaga dhacday Gooja cade  iyo inuu burburiyey midnimadii beelaha reer Somaliland oo ay sheegeen in qaarkood toos uga baxeen gacanta Somaliland intii uu xilka hayey Muuse Cabdi. iyo weliba inuu xuduudkii dalka oo hore u ahaa garoowe agtiisa uu iminka u soo raray  degaanka Oog ee gobolka Xaysimo.

kooxda Xiddigaha Geeska ayaa heestoodu ku soo beeganay xilli xasaasi ah,  iyadoo asxaabta Siyaasada Somaliland dhamaantood isu diyaarinayaan inay  bilaabaan ololahooda doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha bisha November 2024. taas oo hoos u dhigi karta  kalsoonida, iyo taageerada bulshadu u hayaan xisbiga Kulmiye. islamarkaana hiil iyo sumcad fiican u noqon karta xisbiga Wadani oo u isagu u xusul duuban inuu bulshada ka helo taageero buuxda oo u noqota salaan uu ku fuulo kursiga ugu sareeya dalka.

si kastaba ha ahaatee, heestan oo midhaheeda laga dhandhansan karayo inay yihiin sakootis ama macasalaameyn loogu talo galay xisbi xaakinka Kulmiye,  haddana, sida dad badan ayaa tibaxey in aaney wax saameyn ah ku yeelan doonin kalsoonida iyo hanka sare ee Xisbi xaakimka Kulmiye.

kooxda Xiddigaha Geeska ee dhabarta ka toogatey xisbiga Kulmiye ayaa dad badani rumeysan yihiin in Xisbiga Wadani uu dhaqdhaqaajiyey dareenkooda caadifadeed kaddib markii ay u muuqatay fursad ay ka faa’ideysan karaan baahida  kooxdan oo iyadu u muuqata inay tahay mid ka maseyrtay kooxda Dayax band oo si weyn ugu dhex milantay xisbiga Kulmiye.