Prof Samatar Oo Xalka Sicir Bararka ku Tilmaamay Baanka Dhexe Oo La Xoojiyo

0
543

Hargeysa(Geeska)-Prof.Axmed Ismaacil Samatar ayaa dalka iyo dadka ku tilmaamay kuwo xaalad adag oo baahi iyo shaqo la'aan ah ku sugan, isaga oo ka hadlay xaaladda nololeed ee dad uu ku booqday magaalada Gabilay miyigeeda.

Sida oo kale waxa uu ka hadlay Prof.Axmed Ismaacil Samatar  sicir bararka oo uu wax ka qabashadiisa ku tilmaamay in la sameeyo baan dhaxe oo maamula wareega lacagta, waxaana uu arimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay tilifishanka SAAB, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi"Shalay waxa aan tagay meel magaalaa Gabiilay agteeda la maro oo 50 -60 KM u jirta buurahana waa la sii dhex marayaa waa dhul adag oo dad masaakiin ah oo adhi iyo geel dhaqda ayaan halkaas ugu tagay, markaas waxaad arkaysaa nolasha adaygeeda, laakiin haddana deeqsinimadooda iyo waxay noo soo bandhigeen oo waxii yaraa ee ay hasteen ayay banaanka soo dhigeen, waa wax loo riyaaqo oo qalbigaaga taabanaya, markaas waxii dawladuhu ay qabteen 26-kaas sanadood ee ah in dalka horumarkiisa sare loo soo qaado oo dimuqraadinimada la soo hagaajiyo, dhanka kale markaad ka eegto dalkan baahi badan iyo faqri badan ayaa yaala oo abaartuna ay sii xumayso, magaalada Hargeysa waxaan ku arkayaa shaqo la'aantu waxay tahay, waxa laga ayaabaa in dadka Hargeysa ku nool boqolkiiba todobaatan ay shaqo la'yihiin, daabiyadaha iyo dhulka kalena hadalkoodaba daa,markaas shaqo la'aan,xoolihii la dhoofinayay oo laynaga xidhay, abaartii iyo dalka oo marka horeba iska diciif ah arimahaasi warwar weyn ayay keenayaan."

Prof.Axmed Ismaacil Samatar oo ka hadlaaya arimaha sicir bararka waxa uu yidhi"Sicir-bararku aduunyada waa uu ka dhacaa waayo dhaqaalaha aduunyadu waa uu isku xidhan yahay ama gobol gobal iyo dal dal waa uu u dhacaa, laakiin talaabooyinka ugu horeeya ee laga qaadi karo waxa ka mid ah dalku inuu yeesho baan dhexe oo awood leh oo madaxbanaan, sicirbararku waa qiimaha dhaca lacagta markaas  qiimaha dadku waxay wax ku iibsanayaan oo daruurigu u horeeyo, sonkartii yarayd,shaahii yaraa iyo saliidii cuntada lagu karsanaayay, kabihii yaraa iyo caruurta buugtoodii oo kor u kacaysa, dadka uu dhibaatada ugu badan ku keenaana maaha kuwa wax haysta ee waa kuwa hayntoodu ay yartahay oo waxii looga baahnaa inay iibsadaana uu sare u kacaayo jeebkooduna uu hoos u dhacay ama aanu halkii dhaafayn, dadka fiqiirka ah ee hayntoodu yartahay ayuu sicirbararku aad u karbaashaa, waa in la yeeshaa baan dhexe oo isha ku haya lacagta wareegeeda  iyo qiimaha iyo waxayaalaha dalka."