Ololaha Doorashada Somaliland Oo Bilaabmay & Tirada Maalmaha La Siiyey Xisbiyada Iyo Ururrada Siyaasadda

0
55

Hargeysa (Geeska) – Ololaha doorashooyinka Somaliland, ayaa Shalay ka bilaabmay guud ahaan gobollada omaliland.

Ololaha ayaa socon doona muddo dhan 22 cisho, iyada oo la soo afmeeri doono 10 bisha November oo 13-keeda la qabanayo doorashada.

Urur Siyaasadeedka Barwaaqo ayaa lagu ibo-furay ololaha doorashooyinka, iyada oo taageerayaasha ururku ay iskugu soo baxeen fagaarayaasha loo asteeyay ololaha ee Somaliland oo dhan.

2 cisho oo kali ah ayaa loo asteeyay ururada cusub in urur kasta isku soo bax sameeyo, tusaale ahaan ururka Barwaaqo hal maalin oo kale oo kali ah ayaa u hadhay, 19 October ayuu markale isku soo bax samayn doonaa.

Sidoo kale, saddexda xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo UCID oo iyagu u tartamaya doorashada madaxtooyada iyo doorashada ururada labadaba, ayaa la siiyay mid kiiba saddex cisho, oo uu isu soo bax samayn doono.