Obama Oo Loogu Codeeyay Madaxweynihii Maraykan Ee Ugu Liitay

0
554

Picture4Hargeysa(Geeska/AFP)-Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ayaa noqday madaxweynihii ugu liitay ee soo mara dalka Maraykanka, ka dib daraasad cod qaadis ah oo lagu sameeyay dadweynaha Maraykanka, lana shaaciyay Arbacadii la soo dhaafay.

Codayntaas oo uu dadweynaha Maraykanka ka qaaday machad ka tirsan jaamacadda Quinnipiac University, waxa lagu sheegay in 33% oo ka mid ah dadka la weydiiyay inay u codeeyaan madaxweynihii ugu liitay ay Madaxweyne Obama ku tilmaameen madaxweynihii ugu xumaa ee Maraykanka soo maraya 70-kii sannadood ee u dambeeyay, halka ay 28% dadka ka mid ahi ay Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee George W. Bush u xusheen inuu yahay kii ugu liitay.

Jaamacadu waxay kaloo sheegtay in dad la weydiiyay madaxweynihii ugu wanaagsanaa ee Maraykanka soo mara, ay 35% sheegeen in Ronald Reagan oo madaxweyne ahaa 1981-1989 uu yahay madaxweynihii ugu wanaagsanaa tan iyo sannadkii 1945, halka ay 18% Madaxweyne Clinton u doorteen madaxweynihii ugu wanaagsanaa, iyadoo 15% ay John F. Kenedy u doorteen madaxweynihii Maraykanka ugu wanaagsanaa. “Ilaa 69 sannadood oo ay taarikhda Maraykanka soo mareen 12 madaxweyne, Madaxweyne Obama wuxuu ka hoos maray dhinaca sumcada Madaxweyne Bush.” Sidaas waxa yidhi Tim Malloy oo kaaliye ka ah machadka daaraasada sameeyay.

45% ayaa qiray in dalka Maraykanku uu wanaagsanaan lahaa haddii Madaxweyne loo dooran lahaa Mitt Romney oo Obama la tartamay sannadkii 2012, halka ay 38% sheegeen inuu Maraykanku geli lahaa xaalad xun.

Madaxweyne Obama oo wakhtigiisii labaad ee xil hayneed ku jira ayaa u muuqda inuu mudada u hadhay ku dhammaysanayo wakhti adag oo cidhiidhi ah, waxaanay dad badani aaminsanyihiin in sumcadiisan hoso u dhacday ay dhaawici doonto xisbiga Dimuqraadiga ee uu ka soo jeedo.