Nuxurka Waraysi Lala Yeeshay La Taliyaha Madaxweynaha Ee Gobalada Bari

0
644

Hargaysa(Geeska)-La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Goboladda Berriga, Eng Naasir Garaad Abshir,ayaa waraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa Magaaladda Hargaysa ku siiyay Shabakadda Wararka ee Oodweynenews,waxa uu kaga jawaabay weydiimo kala duwan,kuwaas oo taabanaya Xaaladda dhaqan-dhaqaale,Amni,waxbarasho iyo Siyaasadeed ee Goboladda Berriga Somaliland.

1111111111111

Waraysigan oo uu la yeeshay Wariye Maxamed Xasan Daacad oo ka mid ah Bahda OODWEYNEWS,ayaa waxa uu u dhacay sida tan:

S Waa sidee xaaladda dal iyo duunyo ee goboladda berri wakhti xaadirkan? j

Xaalka g/bari mafiicna kadib markii 24 sanadood dib-u-dhac ku yimid, dib u dhaacaas weyn badankiisa waxaa qaybta ugu balaadhan leh siyaasinta ka soo jeeda g/bari iyo dowladahii soo maray somaliland oo ka gaabiyay in wax qabadka halkaas lagaadhsiiyo.waxaa kaloo dib u dhaca iyaguna qayb ku leh maamulka garoowe oo isna dadkii ku doonaaya inay [isar] ku raacan.waxaa kaloo arrimahaas kor ku xusan kusoo biiray kacdoono rag siyaasiyiina hor kacayaa [ssc iyo khaatumo]. wakhtigan hadeerna arrimahaas aan kor kusoo sheegay way taagan yahiin.

Rajo intee leeg ayaad ka qabtaa inay doorashadda iyo diwaan-galintuba ay si habsami ah uga dhici doonaan deegaamaddaas?

J Arrintaas doorashadda iyo diwaan-galintuba waxaa qaladka ugu weyn saarayaa [komishanka doorashooyinka somaliland] oo mudo farabadan lumiyay oo loo baahnaa dadkaas g/bari in ay gaadhsiiyan wacyi gelin ku saleysan doorashada soo socota,mudo hadeer laga joogo bil iyo badh kahor uu iiyedhay gudoomiyaha gudiga doorashooyinka somaliland cabdilqaadir waanu gaadhsiinay qoraal ku wajahan side g/bari doorashasho uga qabsoomi kartaa qodobo 8 ah ayaanu hoosta ka xariiqnay oo wacyi gelintu ugu horeyso ilaa hadeerna weli komishanka muuna dhaafin burco.

Xukuumadda aad ka tirsantahay maxaa uga qorshaysan in xal-waarra laga gaadho cabashadda dadka reer buuhoodle?

Buuhoodle waa magaalo ka midah kuwa g/bari anigu inmudo ah saxaafada waan ka sheegay g/bari ee kale ee maamulka somaliland gaadhay hadii lagaadh siiyo wax qabad iyo horumar markaas xiisada buuhoodle way dhamaan oo wax qabdkaas kamay hadheen.reer buuhoodle ayaa yidhaahda somaliland maxay anaga nagu falaysaa dhulkii kale ee bari ee maamulka [sl] gaadhay cidna wax uma qaban.

Cali khaliif galaydh miyay xukuumaddu awoodi kari-weyday inay ku qanciso inuu somaliland yimaaddo oo ka qeyb-galo hanaanka siyaasaddeed ee dalka?

Prof Cali waa siyaasi reer Somaliland ah, arrintaas waa mid aan aad ugu dadaalo in [prof] mar uun dadkiisa iyo dhulkii uu ku koray oo uu waxkubartay inuu u soonoqdo,waxaan qabaa cid somaliland ka xigta majirto isagaaba mdxweyna ka noqon lahaa.

Maxay xukuumaddu kala soctaa safarka uu haatan wasiir xaglotoosiye ku joogo gobolka buuhoodle?

Xaglatoosiye  waa wasiir ka tirsan xukuumad somaliland xukuumadu qayb baykuleedahay inuu buuhoodle gaadho.lakiin wasiirku gacan kahadlka intuu iska daayo waa inuu wada hadal ka bilaabaa waxgaradka buuhoodle iyo mdxda dhaqanka ee halkaas ku sugan.reer buuhoodle daqaal danbe umabaahna waa dad nabada jecel oo weli aan helin qofkii ugu haboonaa oo gaadhsiiya xulashada siyaasada somaliland ku qanciya iyagoo aan laladagaalamin inay kaqayb galaan beel wadaaga shacbka Somaliland.