Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa qalbi furan ku qaabilay xoghayihii siyaasadda xisbiga Waddani Maxamuud Raage Ibrahin oo munaasibad soo dhawayn ah loogu sameeyay shalay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu hore uga baxay xisbiga Waddani kuna biiray KULMIYE.
Munaasibadaas, waxa ka qayb galay guddoomiyaha KULMIYE ahna murashaxa xisbigaas Muuse Biixi, wasiiro, badhasaabka gobalka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan, masuuliyiin kale oo KULMIYE ka tirsan iyo siyaasiga ka digo rogtay xisbiga Waddani.
Hadal uu Muuse Biixi halkaas ka jeediyay wuxuu ku soo dhaweeyay Maxamuud Raage oo uu tilmaamay kaalintii uu hore uga soo qaatay abaabulkii xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay inay ka KULMIYE ahaan soo dhawaynayaan Maxamuud Raage. “Aad Iyo aad ayaan u soo dhawaynaynaa xoghayihii hore ee siyaasadda Waddani Maxamuud Raage Ibraahim.” ayuu yidhi Muuse Biixi, oo sheegay in KULMIYE yahay xisbi la wada leeyahay oo aan la kala lahayn.
Badhasaabka gobalka Togdheer iyo wasiirka beeraha oo halkaas hadalo ka jeediyay ayaa iyaguna soo dhaweeyay Maxamuud Raage. Maxamuud Raage oo isna halkaas ka hadlay ayaa Muuse Biixi uga mahadceliyay soo dhawaynta uu u sameeyay, waxaanu sheegay inuu si weyn u taageersanyahay murashaxnimada Muuse Biixi ee KULMIYE.