Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa meesha ka saaray in muddo kordhin loo samayn doono Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay inay madaxweynaha iyo KULMIYE diyaar ka tahay doorashada madaxweynuhu.
Muuse Biixi, oo shalay hadal ka jeediyay madal baabuur iskaragooyin ah loogu dirayay jidka Ceerigaabo, ayaa wuxuu sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanada laga rabo inay meesha ka saaraan wax uu ugu yeedhay “cilado” ku jirta doorashada baarlamaanka. “kulmiye, madaxweynaha , xukuumadda arrinka kordhin la yidhaahdaa nooma taalo, sababta waan idin sheegayaa. Laba doorasho ayaa isa saaran, midi waa ta’ madaxweynaha, inay wakhtigeeda ku qabsoonto waxa masuul ka ah madaxweynaha oo ay khusayso iyo xisbgia KULMIYE oo sidii ay umadda kula heshiiyeen inay saacadeeda qabtaan, waxa cadaan ah madaxweynuhu inuu tartanka ka baxay, dabadeed murashixii xisbiga magacaabay, xisbgiina hawshiisii dhammaystay, xisbigiina diyaar u yahay in doorashadii la qabto, meel arrintaasi nagaga soo noqoto oo la yidhaahdo xukuumadda kordhinaysa garan mayno.” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Isagoo hadalkiisa sii wata kana hadlaya doorashada Baarlamaanka wuxuu yidhi “Doorashada labaad ee baarlamaanka, iyana waxa masuul ka ah golaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha baarlamaanka haddii KULMIYE aanu nahay doorashadii madaxweynuhu waa naga diyaar, wax caqabad ah oo ku gudbani ma jirto, baarlamaanka iyo guddoomiyaha baarlamaanka waxa laga rabaa inay doorashada baarlamaanka ka saaraan ciladaha ku jira si labada doorasho mar loo wada qabto, hadday ciladuhu ka bixi waayaan mar walba tii madaxweynuhu waanaga diyaar.” sidaas ayuu Muuse ku soo koobay hadalkiisa.