Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE md. Muuse Biixi Cabdi ayaa xisbiga EPRDF ee wadanka Itoobiya ku bogaadiyay guusha uu ka soo hooyay doorashadii u dambaysay.
Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Mustafe ?id Maxamed oo ah Agaasimaha Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafada ee Xisbiga Kulmiye, ayaa wuxuu u qornaa sidan
Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye mud. Muuse Biixi Cabdi waxa uu Hambalyo u dirayaa Xisbiga Talada dalka Ethopia Haya ee EPDRF guusha uu ka gaadhay doorashooyinkii dalka Ethopia ka dhacay May/2015.
Gudoomiyaha kulmiye waxa uu ku bogaadinaya Xisbiga EPDRF horumarka dhinacyada badan leh ee uu dalka Ethopia ka hirgaliyay mudadii uu talada hayay.
Waxa kaluu bogaadinayaa Xidhiidh ka qotada dheer ee ka dhexeeye labada Dal ee Ethopia ?yo Somaliland iyo labada shacab ee walaalaha ah, isagoo u arka in mustaqbalkana uu ka sii xoogaysanayo.
Gabagabadii Xisbiga kulmiye Aaminsanyahay inay muhiim tahay xoojinta Nabada,is dhexgalka iyo ?skaashiga dalalka Geeska Afrika iyo Guud ahaan Afrika iyo Caalamkaba