Musharax Cabdiraxmaan Cirro Oo Baaqa Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Wada-Dega Gobolka SANAAG,

0
96

Hargeysa(Geeska) Musharaxa Xisbiga Wadani Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi oo baaq Nabadeed kasoo saaray Colaada Beelaha Walalaha ah ee Ka Bilaamantay Gobolka Ceerigaabo.Waxa aan u dirayaa baaqa nabadeed beelaha walaalaha ah ee wada-dega Gobolka SANAAG, dhammaan dadka geeriyooday waxa aan Eebbe weyne uga baryayayaa in uu u naxariisto oo Jannatul-fardawsada sare ka waraabiyo qoysysaskoodii iyo eheladoodiinna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Waxa aan ku baaqayaa in colaaddaas, dilalka iyo dhiigga shacbiga aan wax danbi ah galabsan sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo magaalada Ceerigaabo iyo deegaannada ka baxsanba. Walaalayaal waxa aan idiinku baaqayaa nabad iyo in aydun colaadda iyo fidnada hurudda kicinteeda joojisaan. Colaadda inan baa ku dhinta, colaadda Hooyo ayaa ku goblanta, colaadda ubad baa ku agoomooba!

Degmada Ceerigaabo waxaa lagu majirtaa nabad, xasiloonni iyo wax wada-noolaansho, taas baa Somaliland oo dhan aad astaan ugu ahaydeen, waxa aan mar labaad idinku baaqayaa in aad isxakamaysaan ilaashataanna wada-jirkiinana, walaalnimadiinna, wax wada-lahaashihiinna iyo aakhiradiinnaba.

Madax-dhaqameedka, culimada iyo wax garadkana waxa aan ugu baaqayaa in ay arrintan meel uga soo wada jeestaan, wada xaajoodka iyo nabadeyntana degdeg loo bilaabo.

Xukuumadda yo maamulka gobolkuna waa inay si mug leh oo muuqata uga qeyb qaataan xaslinta, dejinta iyo soo af jarista xaaladda cloaadeed ee taagan ee soo noqnoqatay.

Eebbe xaqa ha ina garansiiyo.