Murankii Xaduudeedkii Dunida Ugu Yaabka Badnaa Oo La Xalliyey

0
561

Warbixin uu Geeska Afrika turjumay

Dhaka (Geeska)- Muran xuduudeedkii ugu yaabka badnaa fahamkiisuna ugu adkaa ayaa si lama filaan ah u soo afmeermay habeenkii badhka sabtidii ay curatay bisha August ee toddobaadkii hore. Dalalka India iyo Bangladesh oo uu murankani u dhexeeyey ayaa 1dii bishan dhaqan geliyey heshiis ay isu weydaarsanayeen 160 goobood oo ka mid ah dhul dal leeyahay laakiin dalka kalana xuduudkiisu ku xeeran yahay, waxa aanay taasi soo afjartay murankan soo taxnaa toddobaatanka sano.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo uu ka soo xigtay wargeyska Washington Post ee dalka Maraykanka ayaa sheegaya in heshiiska ay labadan dal arrintan ka gaadheen uu saamayn weyn ku yeelan doono nolosha Konton kun oo qof oo deggen goobo xuudeedkaas ku yaallay gobolka Koch Bihar. Goobahan ayaa ah goobo ay labada dal dadkoodu deggenaayeen oo xilligii ay Pakistan iyo India u kala go’ayeen muslimka iyo gaalada ay qasab noqotay in qolo kasta halkeeda loo daayo, taasina keentay in dad degmo deggen oo dal ku abtirsada uu afarta jiho kaga xeernaado dhul uu dalka kale leeyahay.

Muddadaas dheer waxa ay dadkani ku noolaayeen dhul sida jasiiradda afarta jiho uga go’an dalkooda ay ku abtirsadaan oo haddana aanay haysan sharciga iyo waraaqaha aqoonsiga ee dalkan ku xeeran, laakiin imika waxaa loo ogolaan dooonaa in ay ka faa’idaystaan waxbarashada, laydhka, caafimaadka iyo adeegyada dawladeed ee ay bixiso dawladda uu dhulkeedu ku xeeran yahay, oo hadda kadib dhulkanna yeelan doonta.

Waxase halkaas ku faduul waayi doona dadka sawira khariiradaha oo sawirka dhulkani uu xeelad badan uga baahnaa iyo kuwa xiisayn jiray dhacdadan juqraafi iyo siyaasadeed ee yaabka badan.

Dhul is-dhaafsiga Bangladesh iyo Hindiya ma noqon doonto uun in dunida uu ka bixi doono mid ka mid ah goobo xuduudeedka ay dalalku sida yaabka leh isaga galaan, balse waxaa u dheer in khariidada dunida ay ka bixi doonto goobtii ugu yaabka badnayd oo ah, goobta keliya dunida oo dhan, ee uu afarta koone kaga wareegsan yahay xad, kadibna xadkaas ku wareegsan gudihiisa ay ku sii dhex jirto goob kale oo dalka kale leeyahay, haddana ay ku sii dhex jirto goob kale oo iyadana dalka kale leeyahay, waana goobta loo yaqaannay is-dhex-galka saddexan, oo ah degmooyin mid kasta ay mid ku sii dhex jirto sida weelka mid kastana uu ku xeeran yahay xadka dalka kale.

Waxaa laga yaabaa in akhristuhu uu aad u fahmi kari waayo arrintan, haddii aynu in yar sii sharraxno sida ay uu u iftiimiyey wargeyska Washington Post; tuule lagu magacaabo Dahala Khagrabari waxa ay ka tirsan tahay dalka India, laakiin waxaa afarta koone kaga wareegsan dhulka dalka Bangladesh, haddana dhulkaas ku wareegsan ee Bangladesh waxaa isna dusha sare kaga sii wareegsan dhul ay leedahay dawladda Hindiya, kaas oo isna haddana uu dusha kaga sii wareegsan yahay dhul ay leedahay dawladda Bangladesh. Haddi aanu weli fahamku kuu caddayna waxaa qurux badan in aad magacan internet ka khariiradihiisa ka baadho si aad aad ugu sii aragto isaga oo muuqaal ah.

Dhul xuduudeedka ay sidan oo kale isaga dhex galaan dalalku kuma koobna India iyo Bangladesh, balse waxaa jira dalal badan oo dunida ah oo sidan oo kale isu dhex gashan, sida degmada Livia oo ka mid ah dalka Spain laakiin ay uu ku xeeran yahay dhul uu leeyahay dalka Faransiisku. Is-dhexgal xuduudeedka lammaan ee dunida ka jira ayaa isna ah degmada Baarle-Nassau  ee dalka Belgium oo ay ku dhex yaallaan goobo ka madaxbannaan Belgium oo uu leeyahay dalka Holland.

Muddo aad u dheer ayaa uu socday dadaalkan la doonayey in lagu xalliyo muran xuduudeedkan kakan ee u dhexeeya India iyo Bangladesh ugu dambayntiina sannadkii 1974kii ayaa ay labada dal arrintan ka gaadheen heshiis, laakiin ansixintiisa ayaa aan ka suurtogelin baarlamanka Hindiya. Mar kale ayaa ay labadan dawladood heshiis cusub gaadheen bishii Juun ee sannadkan 2015ka, waxa aanu dhigayey in deegaan kasta ay qaadato dawladda ku hareeraysani, dadka deggenna la kala doorran siiyo in ay halkaas deggenaadaan oo dalkaas cusub muwaadiniin u noqdaan iyo in ay ka guuraan dhulkaas oo ay u guuraan dhulka dawladdooda hore ee ay u dhasheen.