Muqdisho: Eedeysanayaashii Loo Haystay Qaraxii Diyaaraddii DAALLO Oo Lasoo Taagay Maxkamad

0
561

Muqdisho (Geeska)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa Shalay  billowday dhageysiga dacwad loo heysto 13 eedeysane oo loo heysto weerarkii Qaraxa ahaa ee February Sannadkan ka dhex-dhacay diyaarad ay lahayd shirkadda Daallo Airline, inkastoo dib loo dhigay dhageysiga dacwaddooda.

eed

Waxaa goobjoog ka ahaa kulankan Hay'adaha Amniga Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa ajnabi ah, kuwaasoo baadhitaanno ku hayay 13-ka qof ee maxkamadda la horkeenay shalay tan iyo markii uu weerarku dhacay.

Sidoo kale, eedeysanayaashan 13-ka ah ayaa waxaa ku jiray saraakiil Laamaha Ammaanka garoonka diyaaradaha Muqddisho ka tirsanaa, shaqaale ka hawl-galayay garoonka, xamaali iyo dad kale oo loo haystay inay wax ka abaabuleen weerarkaas fashilmay.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada, Col. Xasan Cali Nuur [Shuute] ayaa dib u dhigay dhageysiga dacwada, isagoo xusay in mar kale dib la isugu soo laabto oo la dhageysan doono dacwadda.

Dhanka kale, Weerarkii lagu qaaday diyaaraddii Daallo Airline 02-dii February 2016-ka, ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, waxayna ku sheegeen bayaan ay soo saareen inay beegsanayeen saraakiil Sir-doonka reer galbeedka la shaqeeya oo diyaaradda saarnaa.

Qof ka mid ah Rakaabkii Ddiyaaradda ayaa ku dhintay Qaraxa, kasoo markiiba la sheegay inuu ahaa qofkii qaraxa fuliyay, isagoo ka dhacay diyaarada, sidoo kalena wuxuu dhaawac kasoo gaadhay laba ruux oo kale, iyadoo diyaaraddu xilligaas ay ku socoday Dalka Jabuuti,  kana duushay garoonka diyaaradaha Xamar.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Hiiraan.com  waxa uu intaas ku daray, in ugu dambeyn Eedeysanayaasha Shalay maxkamadda ciidanka qalabka sida la hor-keenay ayaa waxaa kashifay kamaradaha qarsoon ee garoonka ku xidhan, iyadoo la arkay qaar ka mid ah Laptop u gudbinaya Ruuxii Qaraxaas ku Geeryooday.