Mujaahidiin Waddani Ka Tirsan Oo Dhaliilo U Jeediyay Xukuumadda

0
561

Hargeysa(Geeska):- Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) iyo Mujaahid Cali Cabdi Cilmi (Cali-Curri) oo ka mida Xisbiga WADDANI, ayaa naqdiyay isku shaan-dhaymihii u danbeeyey ee uu Madaxweyne-SIILAANYO ku sameeyey xukuumadda, iyaga oo ku tilmaamay inay tahay hebel ayaa dhiigeyste hebel ku bedela.

1

Mujaahid Ooto Iyo Mujaahid Cali-Curri waxay sidaa ku sheegeen Shir-Saxafadeed ay shalay si wada-jira ugu qabteen Huteelka Hadhwanaag Restaurant ee Magaalada Hargeysa Hargeysa.

Ooto Biixi Iyo Cali-Curri waxay si kulul ugu eedeeyeen Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) inuu ka masuul yahay buuqa iyo rabshada ka taagan Saylac.

Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) ayaa waxa eedeeyey madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici, waxaanu yidhi“Waxaan doonayaa inaan maanta ka hadlo toddobaadkii hore ayaan soo maray Magaalada Saylac, waxaana ka taagna buuq waxa xilka laga tirinayay Taliyaha Ciidanka Badda ee Saylac Kabtan Haaruun Siciid, Magaalada buuq ayaa ka taagna oo anigu waxaan joogay dhowr saacadood, ninkaasi waxa uu xilka ku tiriyay si cago-jiida.Hasayeeshe Soomaalidu waxay tidhaahda: Daanyeer dhici-waayay laan ayuu heystaa, markii aah Hargeysa imi waxaan ogaaday inuu Madaxweyne Kuxigeenku Cabdiraxmaan-Saylici inuu adeer u yahay.”

Waxa uu Ooto intaas ku ladhay; “Waxaan idiin sheegayaa mushkiladaha dalka ka taagane, Kabtan Haaruun Siciid waxa uu ka shaqeeya kootarabaanka oo ka masuula Doonyaha tahriibta, weliba kabtankaasi sidaan warka ku hayo waxa uu sameeyey waddanka ka sameeyey qaddiyad Geeska Afrika ku adag.Ninkaasi waxa hore looga eryay Ciidanka qaranka, Madaxweyne Kuxigeenka Saylici ayaa ka dhigay Ciidanka Badda oo Saylac ayuu Taliye uga dhigay.”

“Kabtan Haaruun Siciid waxa lagu bedelay ninka haysta Maydh iyo Xiis, Ninkii Maydh Iyo Xiis haystay shandadiisi ayuu soo qaatay oo toos ayuu u yimi Saylac oo loo soo bedelay.Laakin  Kabtan Haaruun Siciid wuu diiday inuu tago Maydh iyo Xiis isaga oo isku haleynaya adeerkii, Madaxweyne kuxigeenkuna aad ayuu uga qeyliyay oo waxa uu yidhi tagi-maayo Maydh iyo Xiis, waa ninka ma Ruushka ayaa loo direy? Waddankiisi ayaa loo bedelay oo ah Maydh iyo Xiis ah oo Saylac oo kale ah, ninka Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland ka ahi waa ninka noocaas oo kale ah ee ku dhaarayanaya ninkaa uu adeerka u yahay ee leh ma tagayo Maydh iyo Xiis. Miyaanay Somaliland ahayn Maydh iyo Xiis?” ayuu yidhi Ooto Biixi.

Mujaahid Ooto Biixi oo la hadlayay Shacabka reer Somaliland waxa uu yidhi; “Waxaan umadda u sheegayaa ninka Madaxweyne kuxigeenka inoo ahaa shanta sanadood iyo intaa la kordhiyayba ee hadana mar kale isu soo sharxay Madaxweyne Kuxigeen ee furdaamin la’a ninkaa uu adeerka u yahay, waxa dalka ka dhacaya waa waxa noocaas ah.”

Maxamed Biixi Caalin waxa uu sheegay inuu Cabdiraxmaan-Saylici faro madhan ka taagan yahay Gobolka uu ka soo jeedo, waxaanu yidhi“Saylici waxa uu u dhashay AWDAL, maanta hadaan Sanduuq dhigano Dila anigaa ayaa ka codbadanaya, Boorame hadaan dhiganana anigaa ayaa ka cod-badanaya, Sayliciyoow waxaan ku leeyahay waddanka waad baabiisay, intaad SAMAROON ka tagtay ayaa waxaad taagan tahay raas yar oo xaafadiina ah,waxana la gaaga wanaagsan. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa, Ninka ay Adhiga kala quustaan ayay Geella u diraan Saylacoow kaas oo kale ayaad tahay.waxaan ku leeyahay iska daa qabyaaladan jilibkiina taagan ee intaad isa soo qaawiso aad Madaxtooyadda imanayso, oo aad odhanayso intaas ayay dhaari iga tahay inaanu tagayn.”

Mujaahid Cali Cabdi Cilmi (Cali Curi) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Saylici habeenkii uu Madaxweyne Siilaanyo Burco ku calaamadsaday ee raggii dalkan iyo dadkan wax u qaban lahaa uu dooxa Burco raaciyay, wixii loo naqaysanayay ayuu yahay.”

Cali-Curri waxa uu naqdiyay Isku Shaandheymihii ugu danbeeyey ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Xukuumaddiisa, waxaanu yidhi“Hebel ayaa la bedelay oo hebel ayaa lagu bedelay wax macno ah oo ay sameynayso ma jirto, inkasta oo ay tahay sifaha dawladnimo, waxay ka dhigan tahay hebel ayaa dhiigeystay ee hebel-na ha lagu bedelo. Waana isku shaandheymahan u danbeeyey inta u hadhay muddada xilka loogu kordhiyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxaas ayaynu ku jireynaa ee waxqabad ha eegina, waxaynu ka filnaa hebel ayaa dhiigeystay ee hebel ha lagu bedelo.”

Cali-Curri waxa uu ka digay inay dib u dhacdo  doorashooyinka Madaxweynanimada iyo Wakiillada oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan 2017-ka, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay naruurada kaliya ee ay Somaliland leedahay bal inay wax is-bedelaan,

“Naruurada kaliya ee aynu leenahay waa inay wax is-bedelaan, oo Ayaxan iyo Diirtan ay meesha ka baxaan. Qoladan reer KULMIYE diyaar uma ahaa inay dalka ka qabsoonto doorasho.” ayuu yidhi.

Mar uu la hadlayay Cali Curi Golaha Guurtida Somaliland waxa uu yidhi; “Kordhin danbe oo ay umaddani diyaar u tahay ma jirto, umaddu waxay diyaar u tahay inay doorasho dhacdo oo ay codeeyaan, wixii intaas dhaafsiisan waxa weeyaan lama kala awood-weyna”.