Mujaahid Cismaan Awrliqe Oo Si Adag U Dhaliilay Wasiiradii Is Casilay

0
635

Picture4Hargeysa(Geeska)-Mujaahid Cismaan Awrliqe, oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ee dalka xoreeyay ayaa si adag u dhaliilay wasiiradii iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ku tilmaamay kuwo aan bisayl siyaasadeed lahayn. Awrliqe oo shalay saxaafada la hadlay wuxuu yidhi “Waxaan qabaa inaanu qaranku marayn meel laga wis wsio ama la is yidhaahdo waxa ku imanaysa kala daadsanaan ama waxa wax u dhimaysa koox sharafkii loo hagoogay ee lagu siiyay inay qarankan madax u noqdaan oo ay dadka kale kaga duwanaadaan inay ka dhaqaaqaan iyagoo waxay sheegeen aanu ahayn wax dad bisayl siyaasadeed leh ama muwaadiniin aanu u qalmin talaabada ay qaateen, waxaanay muujinaysaa xamil la’aantooda.” ayuu yidhi Cismaan oo intaas raaciyay “Qaranku wuxuu soo maray dhibatooyin faro badan isagoo dad tiro yar oo aan badnayni ayaa lagu qanacsanaa in rajiimkii jiray la iska celiyo, qaranimana looga gudbo oo wax la dhiso, ragga maalintaas u biqi waayay wixii ka soo hadhayna dalka way joogaan. Markaas maanta maalin loo baqo ama la is y idhaahdo waxbaa dhacaya maaha.” Cismaan Awrliqe, wuxuu ugu baaqay xubnaha is casilay inay yeeshaan xamil siyaasi ah oo ay la yimaadaan siyaasad kale oo ay ku hantaan xisbiga KULMIYE, “Waxay ahayd inaad xamil yeelataan oo adkaysi yeelataan oo ciyaarta siyasaadeed ee KULMIYE dhexdiisa la ciyaarayo waayo aragnimo iyo aqoon iyo karti isticmaashaan oo isku deydaan idinkoo qarankiina hagar daamayn inaad ku guulaystaan waxaad doonaysaan haddayse dhici weyday Alleyle waxay ahayd in go’aanka aad qadateen mid ka duwan qaadataan.” Isagoo la sii hadlaya wuxuu yidhi  “Kooxdaas waxaan leeyahay hagar daamo iyo dhib idinkoo wasiiro ah aad qaranka Somaliland uga tudheen ma jiro, idinkoo dibada joogana waxba yeeli maysaan, qaranku rag buu leeyahay, dawlad ayuu leeyahay, shacab ayuu leeyahay. Nin  baan ka maqlayay RRU ayaa la ii soo diray, anuu waxaan ka mid ahaa raggii RRU-du ragggaas leh waa lanoo soo diray ay guriga ugu soo direen ee ay guriga ugu soo daadatay, maalin qudhana maan caban, iyaguna way na ag mareen ayuu ka ooyayaa.” Ugu dambayn wuxuu Cismaan Awrliqe hadalkiisa ku soo koobay “Wuxuu yidhi shaanidaad ka baqatay ee wax ka weyn ayaa dhici doona, oday reer Hargeysa ahaa ayaa hudhee wax ka cuney markaasaa la yidhi iska baxoo lacagna ha bixin lacagtana iska hayso, wuxuu yidhi haddaan dhergay anaan idin gafaynba, ninka leh wax ka weyn baan ridayaayoow bal waxa ka weyn ee aad ridana waynu eegi doonaa, Silanyana nin shaani ayaad ka baqatay la yidhaahdo maaha, tu’ ka weyn ayuu ka baqan waayay. Isaga iyo kuwa kale ee aad ku naanaysaysaanba  shaani ma qarxiyaanee wixii ay qarxin jireen waa la yaqaanaa oo taariikhdaa xusaysa. waxaan leeyahay wixii idinka dhacay idinka dhacyee halkaas ku joojiya haddii aad joojin weydaana wixii taariikhdu idin siiso waa laga markhaati noqon doonaa.”