Mucaaradka Oo Sicir Bararka Ku Eedeeyay Xukuumadda Iyo Xukuumadda Oo Ganacsatada Ku Riixday Mushkilada

0
586

Hargeysa (Geeska)- Xisbiyada mucaaradka iyo guddoomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada ayaa masuuliyada kowaad ee Sicirbararka dusha ka saaray xukuumadda, kuwaas oo sheegay in Xukuumaddu xilkii iyo waajibaadkii looga baahnaa inay wax kaga qabato inay gabtay, halka Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshaduna uu xukuumadda ka difaacay eedaha loo soo jeediyey ee ku saabsan inay masuul ka tahay Sicirbararka, waxaanu tilmaamay inay ganacstadu masuul ka yihiin sicirbararka taagan. 

Wasiirka shaqada Iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, guddoomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada xildhibaan Cabdi Qaadir Xasan Askar, guddoomiyaha golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur iyo Xoghayaha Xisbiga Ucid Ismaaciil Cabdi Daahir oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaaya ayaa ugu horeyn   guddoomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada xildhibaan Cabdi Qaadir Xasan Askar wuxuu uu arimahan ka yidhi“Sicirbararka waxa kow ah maamul xumada Xukuumadda, haddana wax siyaasad cad ah oo marxalada hadda lagu jiro wax lagaga qaban karo oo u diyaarsani Xukuumadda ma jiro, mana muuqdo, ee ALLE ha ina gaadhsiiyo doorashada, waxaana filayaa in afarta bilood ee soo socda inuu sicir bararku ka sii dari doono, anagu guddi ahaan iyo barlamaan ahaanba waanu u jeedhi doona cida ay khuseeyso oo aanu wareysano oo aanu weydiino sababta keentay inay ilaa hadda wax uga qaban kari la yihiin Sicir bararka, ta kale xukuumaddu yaanay ku meeraysanin ganacsatada ee Xukuumadda ayaa ganacsatada maamusha, waxayna ka mid yihiin dadka la maamulo ee waa nasiib daro haddii ay xukuumaddu masuuliyadeedii cid kale ku riixayso, hadda in sicir bararka sharci wax lagaga qabto wey dhaafta ee fulin baa loo baahan yahay, haddii aynu ku sii socona xaaladana waxa dhici doonta in dadku ay diidan lacagta”.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Sicir bararku waa aafo qaran oo ay ahayd in looga hawl galo si xigmadaysan oo masuuliyadi ku jirto,xukuumaddana ay galiso dadaal fara badan, madaama ay iyadu ka masuul tahay qarankan, hogaankiisana ay hayso, marka hore sidaas ayey ahayd in wax looga qabto, imikana ma aragno cid xukuumaddiiya oo hawsha u guntan inay wax ka qabato, kumanay talo gelina inay wax ka qabato, dawladda Kulmiyena wey curiyaamaysay Bangigii loogu talagalay inuu xakameeyo qiimaha sarifka, wasaaradda maaliyadduna hadda diyaar uma ah inay arintaas wax ka qabato, muddana arintu wey soo socotay, imikana halkii ugu darnayd ayey maraysa, sidaynu ka war qabanana sicirbararku dhib weyn buu shacabkii ku hayaa dadkii danyarta  ahaana xaalad xun bay ku sugan yihiin, Ciidamadii iyo Shaqaalihii mushaharka ku qaadanayey shilinka Somaliland maanta waxba u tari maayo, masuuliyadii xukuumadda ee ay ahayd inay wax ka qabato waxba kagamay qaban ee wey dayacday, eedana iyada ayaa iska leh,Ganacstadu eedda ma leh ganacstada looma dooran inay sicirka goyso, ganacstada looma dooran in dalka bangigiisa iyo dhaqaalaha  inay xadidaan, meeshana wax ka baxay nidaamkii lagu xakamayn lahaa sicir bararka, haddii Xukuumaddu amar soo saari lahayd, Ganacstaduna amarkaas diido, Shacabka waxa dan u ahaan lahayd inay xukuumaddu talaabo ka qaado ganacstada ee xukuumadda ayaa gabtay masuuliyad ay leedahay”.

Xoghayaha xisbiga Ucid Ismaaciil Cabdi Daahir,oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Arimaha lagu xakamaynayo sicirbararka waxa masuuliyadeeda iska leh Xukuumadda, in sarifka iyo sicirkana shuruuc laga soo saaro iska leh barlamaanka, si fulinta oo xukuumadda ahina ay u dhaqan geliso, garsoorkunka waxa loo baahan yahay shuruucda noocaas ah in laga helo, waayo dadka waxa lagu maamula sharci, markaas fashilaad badani arintan sicir bararka wey ka jirta, oo baanka dhexe oo loo baahnaa in la dhiso oo uu shaqeeyo, gabi ahaanba isagu shaqadii ma hayo, maxa yeelay baanka dhexe isaga ayaa maamula waxan oo dhan markaas meelo badan bay dhaliisho galaysa, ganacstada waa la maamula ee cida maamusha ayaa dhaliisha leh, ganacsatadu xoriyad bay haystaan, oo waxay doonaan ayey sameeyaan haddii aan sharcigii lagu maamulayn”.