Mowjadda Farxadda W/Q: Jibrilnasar Maxamed Ciise Muuse

0
792

Hadaad qososho aduunyadu way qoslaysa hadaad oydana aduunyadu way qoslaysa by M,M kastam

Xaaladkastoo aad ku jirto farxad iyo murugaba noloshu way soconaysa by jibrilnasar

1

2011 ayaan qoray maqaal magaciisu ahaa Mowjada murugada oo ku saabsan wiil aanu saxiibo aada ahayn oo leh caqli iyo awood gaara oo ALLE SWT si gaaara ugu deeqay. Wiilkan oo aanu kala maqnayn wakhti badan markii aanu is-warsanayna qisada Mowjada Murugada ayaa ka dhalatay kulankayagii. Isla wiilkii ayaanu kala baadney wakhti kale oo wata taarikhdiisa iyo khibradiisa waxanaan dib u kulanay cawa waxana na dhex martay qisadan Mowjada farxada waana tan ee iga qabo qalbigana usii daa.

Saxiib Jibrilnasaroow maanad arag shinbiraha duula cirka iyo dhulka dhexdooda iyo baashaladooda siday u luxayaan iyo hamiga farxadu ku ladhantay ee ay huwanyiin. Qalbiyadoodi waxay u dhalaalayaan sida luul, wajiyadooduna waxay u nuurayaan sida cadceeda, indhahoodana waxaad ka dhex arkaysa dayaxa oo afar iyo tobnaada. Markaan saxiib arkay macalimiintaa wanaagsan waxaan dareemay fudayd qalbigayguna wuxuu dareemay fudayd sida caleenta geedka dabayshu u ruxdo oo kale ayuu khafiif dartii farxadu u ruxday. Saxiib maanad arag subaxii waxay kalahayaan iyagoo aan si fiican u garanayn meesha risiqoodu yaalo, waxayna ka yaqiin fiicanyiin ka jeebka ku haysta waxa u cuni lahaa. Waxay ku heesaan subaxii waxaanu kalahnaa anagoo gaajoonayna habaynkiina waxaanu soo hoyana anagoo aad u dharagsan caruurtayadiina u sidna quud ku filan. Marka ay afka ugu gurayaan shinbiraha hooyada ah ubadkooda yaryar una burburinayaan cuntooyinka ad-adag waad tacajibaysaa. Saxiib casharkaasi wuxuu noloshayda baray inaan qaato sida shinbirahaa hawo ku filan sanbabadayda iyo jidhkayga oo dhan oo hadaanan sidoo kale u duuli Karin aan uu ordo si farxadi ku dheehantay anoon ka fikirayn waxa igaga iman doona goobta aan ku ordayo.

Saxiib Jibrilnasaroow maanad arag qudhaanjada inay shaqayso 20 saacadood iyadoo faraxsan aan arkayna daalka ka soo gaadhey shaqadii balse arkaysa natiijada waxqabad ee ay gaadhay. Sabirka waxa laga bartaa qudhaanjada waxaan la yaabay qudhaanjo sida walax iyada ka wayn oo ay boqol jeer ka dhacayso hadana aan dhibsanayn ee markasta isku dayaysa  si ay u gaadho yoolkeeda(farxada gudaha).

Saxiib Diinka maanad arag sida uu ALLE SWT u aaminsanyay waxa lagu yidhi Diinow shinbiraha haada ayaa ku shiray inay ku cunaan waayo jidhkaagu wuu jilicsanyay. Wuxuu yidhi meesha la igu shirayay soomuu ALLE SWT joogin, haa ayaa la idhi wuxuu yidhi iska taga hadaba ALLE SWT i dayaci-maaye isla markiiba waxa lagu arsaaqay yaqiintiisi fiicnayd waxa la huwayiyay qolof anay soo dhaafi Karin afafka dhuudhuuban ee haadu.

Saxiib manad arag Aboorka iyo inta uu leegyay iyo dhismaha dudumada ee uu dhiso ee sida hoyga u bahan biyo iyo nashqadaynba.

Manaad arag saxiib geesinimada libaaxa.

 sidoo kale saxiib maanad arag dadaalka Shinida iyo natiijada ka dhalata. Geela, Adhiga, lo,da waynu cuna, caanaynu ka cabnaa subag-baynu ka dheefnaa waynu raranaa qaybo ka mida hadana inagama cadhoodaan ee way ku faraxsanyiin waayo waxay ogaadeen farxadu inay tahay inaad qadarkaaga garato iyo inaad waxa laguu abuuray garato.

Ma sii wadi karo inta ayadood ee ALLE SWT kownkan inoo dhigay maalin kasta cadceed ayaynu intifaacsana si aynu howlehena u  kala fushano una intifaacsano cadceeda siyaabo kala duwan. Habayn ayaa inoo soo gala si aynu u nasano oo u seexano waxa jira dhul aynu ku dul socono ku dul seexano ku dul fadhiisano waxa jira cir waxa jira ogsajiin aynu qaadano waxa jira biyo aynu cabno waxa jira dhir aynu quudano ma tirin-karno balse isha dhabtaa ee wax lagu arko ayaa ina bakhtiisan waa cajiib waa cajiib hadii laba-bilaydh la kala qaadayo waxaad maqlaysaa codka ay samaynayaan balse habayn iyo maalin is bedelaya la maqli maayo wax ina dhiba SUBXANALLAH.

Saxiib intaa markaan arkay waan isku xishooday waxana isoo baxay qaacido anan fahmin lakiin dadkii wanwanaagsana ee aduunyada soo maray oo dhan ay aaminsanaayeen taasoo ahayd dhibta aduunyada u wayn waxay ka dhalatay inaynu 100% ka fikirno waxa inaga maqan ee aynaan ka fikirin waxa aynu haysano; bal u fiirso saxiib waxaad leeday laba gacmood, laba lugood laba indhood, san, carab, dibno, iyo xubno badan, oo aan la tirin-karin. Waad caafiimad qabta aduunyada oo dhan adigay ku adeegaysa oo intifaacsanaaya intaas oo dhan ma ku bixisaa inaad ku fikirto oo markaad nimcada ogaato inaad ALLE SWT u mahadnaqdo mise waxaad ka fikirtaa hal shay ama laba shay oo aan u qalmin in lagu bixiyo in qalbiga iyo maskaxda lagu daaliyo.

Saxiib jibrilow intaa markaan arkay una fiirsaday maan u qalma inaan murugoodo mise waxa ii eeg inaan farxo farxad aan wabiyada iyo badaha waraysto oo la qoslo siday ugu faraxsanyiin qaybta ALLE SWT iyo qadartiisa

Gunaanadkii saxiib cidii doonta ha murugooto balse anigu ma ihi ka murugoonaya waayo dhib iyo dheefba waa ii faa’ido waayo ka cid igu jecel ayaa ii qoonddeyay qadarka i asiibaya. Waanan wadaya hanka iyo himilada fiican mana joojinayo ilaa inta aan ALLE SWT kala kulmayo waxkastoo iga hor imaada ee saxiib adna siday kula tahay

Saxiib maqaalkii hore waa diiday inaan magaca sheego iyo taarikhda oo dhamaystiran maqaalkana waad ii diiday balse saxiib waan kula qaatay lakiin cilmigan aad soo bandhigtay maaha mid si fudud loo fahmi karo waxa uu u baahanyay si loo fahmo in wakhti  lagu bixiyo waxanu u badanyay mid u eeg in lagu fahmi karo in ficil la sameyo lana adkaysto wax-badan loo fiirfiirsado. ALLE SWT ayaan ka rajaynayna yaqiinta iyo cilmiga u kugu manaystey inuu anagana na siiyo adna ku siiyadiyo saxiib habayn wanaagsan cawa madaxaygu aad ayuu culays u dareemaya intii aad ila hadlaysay waxaan is waydiiyay su,alo badan sida tusale ahaan u hadalku inooga soo baxo iyo dhawaaqyada kala duwan ee aynu samayn karno sida oohin, farxad, iyo qosol hadal caadiya. saxiib is aragti danbe oo xiiso leh

W/Q: Jibrilnasar Maxamed Ciise Muuse

Email: jibrilmaxed@gmail.com