Xukuumadda Somaliland waxa ay xalay ku dhawaaqday in dawladda Turkigu bilaabayso wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya. Wuxuu noqonayaa wejigii saddexaad. Wada hadalku wuxuu ka bilaabmay London, oo wuxuu daba socday shirkii uu Ingiriisku Somalida u qabtay bishii Febarwari ee sannadkii hore. In wada hadalku ka bilaabmo dalka Ingiriiska amaba dalal kale oo reer Yurub ah, dadka diblomaasiyadda u abtiriyaa way soo dhaweeyeen, iyagoo ka duulaya in dalalka reer galbeedku aanay la kala safnayn Somaliland iyo Somaliya amaba ay ugu yaraan si waaqici ah u dhagaysan doonaan garta labada dhinac. Laakiin wakhti yar oo kooban ka dib waxa haddana wada hadalkii loo soo raray dalka Imaaraadka Carabta, oo la ogyahay halka uu ka taaganyahay madaxbanaanida Somaliland iyo sida uu ugu heelanyahay midnimada Somaliya, isagoo Imaaraadku ka mid ah dalalka sida adag u taageersan midnimadii Somaliya. Waxaana wakhtiyadaas soo baxay warar sheegaya in dawladda Ingiriisku aanay soo dhawayn kulanka deg dega ah ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu isugu keentay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya.
Xalayna waxa soo kordhay oo saaxadii wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ku soo biirtay dawlada Turkiga. Sarkaalka u sareeya diblomaasiyadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa xalay saxaafadda ugu sheegay qasriga madaxtooyada in dawladda Turkigu dib u bilaabayso wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya. Goorma ayuu Turkigu soo dhex galay wada hadalka labada dal.? Waa su’aal ay dadkii warkan maqlay markiiba isweydiiyeen, sababtoo ah dawladda Turkigu xataa kamay mid ahayn dawladihii goob jooga ka ahaa bilowgii wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee ka furmay aqalka loo yaqaan Chevering House ee duleedka London.
Sida qaalibka ah shuruucda diblomaasiyadda ayay ka mid tahay in dalka wada hadalka laba dal martigelinayaa uu dhexdhexaad ka yahay mawduuca laga wada hadlayo. Bal haddaba su’aashu waxay tahay waa maxay mawqifka Turkiga ee ku waajahan Somaliland iyo midnimada Somaliya. Inagoon meel dheerba ka doonin aynu soo qaadano war-murtiyeedka ay wasaaradda arrimaha dibadda Turkigu ka soo saartay kulankii uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan dalka Turkiga kula yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Mr. Axmed Daa’uud Oglo. “Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkey, Axmed Daa’uud Oglo isaga oo ku nuux-nuuxsanaya in dalka Turkey aanu ku wacad furi doonin midnimada Soomaaliya, waxa uu caddeeyey in dalkiisu sii wadi doono in uu taageero dib-u-heshiisiinta, xasiloonida, barwaaqaynta iyo horumarinta dadka Soomaaliyeed.” Sidaas ayaa loo dhigay warmurtiyeedka oo ilaa hadda ku jira bogga wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.
Marka uu mawqifka Turkigu sidaas yahay waa maxay waxa laga filan karo shirka uu ku kulansiinayo Somaliland iyo Somaliya. Haddii aan la is indho tirayn waa cadaan mawqifka Turkigu, lamana socdo Somaliland ee wuxuu si cad u aaminsanyahay midnimada Somaliya, mana muuqato sabab loogu sacabo tumo wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somaliya oo uu Turkigu martigelinayo, waayo sida dharaarta ayaa ay u caddahay in aanu ahayn dalkii ku habboonaa ee aynu magan uga noqon lahayn dhex-dhexaad in uu qadiyaddeenna ka noqdo.
Intaas waxaa sii dheer in wada hadalkii Somaliland iyo Somaliya oo Turkiga loo wareejiyaa uu dalkan curdinka ah ee Somaliland ku keeni karo go’doon diblomaasiyadeed, maadaama oo wada hadalkiiba laga wareejiyay dawladda Ingiriiska oo iyadu bilowday, laguna wareejiyay dal cusub, iyadoo aanu dalkii koowaad ee wada hadalka bilaabay ka warqabin. Si kale haddii loo yidhaahdo Somaliland waxay si fudud dhibbane ugu noqon kartaa dagaalo diblomasiyadeed oo dawlado ka awood roon u dhexeeya.
Si kastaba ha ahaate, waxaa cadaan ah in diblomaasiyadda Madaxweyne Siilaanyo ay dheel-dheeliyayso, dheel-dheeliguna waxa uu ku dambeeyaa in rarku daato. Sidaas daraadeed Madaxweyne Siilaanyo waxa looga baahanyahay inuu dib ugu noqdo diblomaasiyadiisa iyo jihada ay ku socoto oo haddii ay sidan ku sii socoto ay si fudud u lumin doonta saaxiibo ay Somaliland u sameeyeen labadii hoggaamiye ee talada uga horeeyay Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin.
Waxa aanay mar kale xujo cad u noqonaysaa dadka bilowgiiba dhaliilsanaa siyaasadda dibadda ee madaxweyne Siilaanyo, iyada oo ay hubaal tahay in sal fudaydka diblumaasiyadeed ee ka muuqda haddii aanu inta ay taladu dhow dahay is badh qaban ay booraan ku ridi karto himilada qaranka ee dhiigga iyo dhaqaalahaba loo huray.